Muxuu Yahay Tuuga Boolisku Hargaysa Ku Qabteen Ee In Laga Taxadaro Shacabka Fareen?

Wednesday May 08, 2024 - 15:10:40
Hadhwanaag
"Muwaadin ka taxadar tuugada noocan oo kale ah haddii aad aragtana... "

Hargaysa (HWN) Ciidamada Booliska JSL ee Rugta  Dhakhtarka weyn ayaa gacanta  kusoo dhigay nin ku eedaysan in uu furfuranaayay muraayad-haaddada gaaddiidka.
Waxaanay Ciidanku ku qabteen  isagoo furfuraanayay  gaadhi parking ka Hospitalka yaalay, isla markaana sita saddex kale oo uu soo dhacay , waxaana uu ku jiraa gacanta Ciidanka isaga iyo alaabtii uu soo dhacay ba .

Haddaba , waxa aanu  ka codsanaynaa dhammaan cida ay ka maqanyahiin inay yimadaan Rugta Booliska ee Cisbitaalka weyn halkaasi oo muraayad haaddoodii  lagu hayo.

Muwaadin ka taxadar tuugada noocan oo kale ah haddii aad aragtana degdeg ula soo wadagaan Ciidanka Booliska .

Xafiiska Warbaahinta Ciidanka Booliska JSL
     
Loading...