Gudoomiyaha Cusub ee
Baarlamaanka maamul goboleedka Puntland ayaa loo doortay Cabdirisaaq Axmed
Siciid.
Wareegga kowaad ee
doorashada ayuu helay 37 cod, halka gudoomiyihii hore ee golaha Cabdirishiid
Yuusuf Jibril uu helay codadka ugu hooseeya oo ah 8 cod.
Ilaa afar xildhibaan
ayaa u tartamayey gudoomiyaha golaha wakiilada ee Puntland, kuwaasoo kala ahaa
Xildhibaan Maxamed Faarax Maxamed Gabyoow oo helay 10 cod, iyo Xildhibaan
Mursal Maxamuud Cabdi oo helay 10 cod, hase yeeshee saddexdii mudane ee la
tartamayey ayaa ka tanaasulay inay u gudbaan wareegga labaad.
Gudoomiyaha ku meel
gaarka ee golaha wakiillada ee Puntland Xildhibaan Xasan Cabdalla Xasan ayaa ku
dhawaaqay in Cabdirisaaq Axmed Siciid Faarax in uu ku guulaystay hogaaminta
golaha wakiilada ee Puntland ilaa 2029-ka.
Hadal kooban ayuu
Cabdirisaaq jeediyey markii lagu dhawaaqay guushiisa.
"Dhamanteen waxaan
nahay hal gole, waxaana leenahay hal hadaf, waxaan doonaynaa inaan ka dhabayno
masuuliyada aan qaadnay ee la inagu wada aaminay” ayuu yiri Cabdirisaaq Axmed
Siciid oo la hadlayey 66ka xildhibaan ee baarlamaanka Puntland.
Waa markii ugu horeysay
ee gudoomiye baarlamaan Puntland ku soo baxo wareegga koowaad iyadoo an la
aadin wareega labaad.
Waa kuma Cabdirisaaq
Axmed
Cabdirisaaq Axmed
Siciid waxaa uu ku dhashay degmada Dhahar ee gobolka Sanaag sanadkii 1983-dii
Waxbarashadiisa hoose
dhexe iyo sare waxaa uu kaga baxay degmooyinka Dhahar iyo Bosaaso.
Tacliintiisa sare wuxuu
ku qaatay jaamacado ku yaal dalalka Uganda iyo Talyaaniga, isagoo shahaadada
kowaad ee maamulka iyo maaraynta dowliga ah ku qaatay jaamacada dalka Uganda
halka shahaadadii labaad uu ku qaatay xalinta khalaafaadka iyo nabadda jaamacad
ku taal Talyaaniga.
Siyaasadiisa wuxuu ka
soo bilaabay heer deegaan, wuxuuna agaasime waaxeed ka noqday dowladda hoose ee
degmada Bosaaso.
Waxa uu ahaa cilmi
baare mashaariic kala soo shaqeeyay hay’ado caalami ah sida Bangiga Adduunka
iyo Altai Consulting oo fadhigeedu yahay magaalada Paris ee dalka Faransiiska
oo wakiil ugu ahaa Puntland.
Wuxuu hogaamiyey cilmi
baarisyo nabad xalinta iyo doorashooyinka oo ka badan lixdan.
Sanadkii 2019 ayuu ka
mid noqday xubnaha guddiga KMG ahaa eee doorashooyinka Puntland ee TPEC.
Isaga iyo guddigii uu
hogaaminayey ee doorashooyinka Puntland ayaa ku guulaystay in in ka badan
soddon degmo laga qabto doorasho qof iyo cod ah.
Cabdirisaaq Axmed
Siciid waxa loo arkaa qof qunyar socod ah balse waxaa dadka qaar aaminsan
yihiin in uu aad ugu dhow yahay madaxtooyada, wuxuuna ka soo jeedaa gobolka
Sanaag.