Wararka ka imaanaya
magaalada Burco ee gobolka Togdheer ee Somaliland ayaa sheegaya in maayarka
cusub ee magaalada Burco uu maanta ku dhacay gudaha hoolkii lagu doortay.
Maxamed Xirsi Axmed
(Wacays) oo ah maayarka cusub ee la doortay ayey arrintaas la soo deristay,
sida ay BBC ka soo xigatay dad goob joogeyaal ah, in yar ka dib markii uu
jeediyey khudbaddii uu ugu tala galay guushiisa.
"Maayirku markii
uu dhameeyey khudbadii uu jeedin lahaa, ee uu jeediyey isagoo fadhiya ayuu
damacay inuu kaco, lakinse kursigii uu ku fadhiyey ayuu gadaal ugu dhacay” ayuu
yiri goob joogahaas.
Wararka qaar waxay
sheegayaan inuu maayarku uu muddo yar miyir doorsoomay, waxayna intaa ku dareen
in loo qaaday maayarka xarun caafimaad si wax looga ogaado dhibaatada la soo
deristay, laakinse waxay sheegeen dadkii ay BBC la xiriirtay in aan wax cudur
ah ama xanuun ah laga helin.
Maayar Wacays ayaa dib
loogu soo celiyey hoygiisa, halkaasoo uu ku nasanayo. Wuxu maayarka cusub ka
gaabsaday inuu hadal siiyo warbaahinta, wuxuuse sheegay inuu maalmaha soo socda
hadli doono.
Arrintan la xiriirta
maayarka inuu hoolka gudihiisa ku dhacay ayaa ah mid aan looga baran Burco,
ayadoo maayarka cusubna la sheegay in uusan lahayn taariikh caafimaad oo daran.
Suldaan Jaamac Nuux oo
ah maayar ku xigeenka cusub ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in xaaladda
caafimaad ee maayarka aysan ahayn sida loo dhigay, "balse uu yara daallan
yahay maadaama uu soo galay olole culus”.
Arrintan ayaa timid in
yar ka dib markii golaha deegaanka ee Burco oo ka kooban 13 xubnood uu cod u
qaaday doorashada duqa magaalada oo muddo uu goluhu ku kala qaybsanaa, waxaana
Maxamed Xirsi Axmed (Wacays) lagu doortay cod 7 iyo 6 kala ah.
Waxaa goobta fadhiyey
barasaabka gobolka Togdheer Maxamed Cabdullaahi Nafaqo iyo taliyaha booliska
sida uu nidaamku dhigayo.
Doorashadan ayaa ah tii
ugu horraysay ee ka dhacda deegaannada Somaliland tan iyo markii dib loo
fasaxay inay golayaasha deegaannadu dooran karaan maayarka, taasoo in muddo ah
aan dhici jirin.
Waxaa jira golayaal
kale oo ah kuwa deegaannada oo iyaguna isu diyaarinaya doorashada maayarka,
waxaana dhaqdhaqaaq xoog leh uu hadda ka dhex socdaa golaha deegaanka Gabiley
oo sida wararku ay sheegayaan la filayo in maalmaha soo socda ay u fariisan
doonaan doorashada maayarka oo xiisaheeda aad loo dareemayo.
Dadka yaqaanna Maxamed
Xirsi Axmed (Wacays) waxay ku tilmaameen inuu yahay nin afgaaban, aan balwad
lahayn, ehlu diin ah, qun yar socodna ah. Waxaa kale oo dadka yaqaanna ay BBC u
sheegeen in maayirka cusub uu yahay qurbajoog dhowr sano dalka gudihiisa ku
noolaa, kaasoo ka soo gurya noqday dalka Sweden oo uu in muddo ah degganaa.
Maxamed Xirsi Axmed
(Wacays) waxaa da’diisa lagu qiyaasay horraanta kontomeeyada, wuxuuna golaha
deegaanka ee magaalada Burco xubin ka noqday markii ay dhacday doorashadii isku
sidkanayd ee Somaliland laga qabtay 2021.
Maayirka cusub iyo ku
xigeenkiisa ayaa labada ah qurbo joog dalka dib ugu soo laabtay
BBC