Waxaad Wadaanba Waaq-layaal, Waaqeffane ku Wardiyaaya keentee Malaha waxa xigi Buudiis?!.

Tuesday November 28, 2023 - 10:25:02
hadhawanaag
Waxa layidhi Maalintii danbe iyada oo Hawd lagasoo


Nin oday ahaa oo Deegaanka Hargeysa ku noolaa dabayaaqadii qarnigii 18aad ilaa Horaantii qarnigii 19aad oo la odhan jiray DHallin Illeeye, ayaa goor galab ah waxa Galbeedka Hargeysa kasoo baxay iyaga oo Togga-Herer dacal raacaya rag Culimo ah oo Galbeed ka yimid oo Baqallo u raranyihiin ama Kutubta iyo Agabka u sidaan, Baqasha waxa iska dhala Geenyo iyo Dameer, Marka ay kaa fogtahay ama ay kaa durugsan tahay waxa aad moodaysaa Faras, Degelka ama Deegaanka Dhulka Hooyo waagaa waxa ugu Qaalisanaa waxa uu Ahaa Faraska, Faraskana Xiligaa wax la saaro waxa uu ahaa Kooraha iyo Shalmadii raacaysay, ninka Guud koraana waagaa waa nin Xaragoonaaya oo Gadiid u yahay iyo Nin Dirir u heenseestay oo ku Duulaan tagaaya Mooyaane Farduhu muu ahayn Mid Agab lasaarto sida Awrta!, wax Baqal ahna deegaanka lagama aqoon, oo yaa Geenyo Dameer u Tu’i ku naaloodayba, Marka ay Geenyadu ama Farduhu xanuunsadaan Dadkeenii hore Dab iyo Dhir ayey wax ku Dabiibi jireen oo marka ay Gamaanka Faras bukoodo oo kaliya ayaa Dameer uu ag joogsan jiray si Dabkii Faraska lagu Dabiibi lahaa Dameerka loogu dhejiyo, halka qiimo badnaanta Farasku uu lahaa.


 

Hadaba Ninkii odayga ahaa ayaa amakaag, qaadanwaa’ iyo yaab ku noqotay Fardahan heeryeysan ee Agabka Culimada u sida Suu yidhi Waar Malaha Hadaynaan Togagaa Herar ka Ag Guurin in Maalinta Danbe Goroyo Heeryeysani inagaga soobixi!,


 

Waxa layidhi Maalintii danbe iyada oo Hawd lagasoo hayaamay oo Dadku usoo guuray Togga-Herer iyo nawaaxigiisa, deegaanku waxa layidhi wakhtigaa wuxuu ahaa mid Dhir iyo duur miidhan ah, oo Ugaadhuna ka buuxdo, ayaa maalin Kuray Togga kasoo toocsadeen Ugaadhiiusoo biyo doonatay ee dhex joogtay, ugaadhaa Waxa ku jirtay Goroyo tiro badan ugaadhii iniba meel ayey u yaaceen se waa meel Alle wax ka wadaye Gorayooyinkii dhankii reeruhu degenaa ayey Duurkii usoo raaceen oo waxa ay ku soo beegmeen reero digaaya oo Aqaladii dhisanaaya mise geeshkii Goroyada ahayd markay kaynta mudh kasoo yidhaahdeen iyaga oo Maqiiqan oo kurayda Baacsanaysa qayladooda ka didsan ayey reerihii Agabkoodii jiidheen goroyooyinkii mid Kabad walwaalata mid Caws xanbaarada mid Dhiilo isku xidhxidhan qorta sudhata oo dhabarka u ridata, Dhankii Jameeco-weynayey ula Roorreen oo waagaa ahayd degelka Hargeysa Meesha deegaan ahaan loo degenaa, saa layidhi Dhalinow Gorayo Heeryeysanina inagusoo baxdaye wax dheh? Suu yidhi Waar Hadaba Meesha inaga Rara!.


 

Waxa aan uga Socdaa Jamhuuriyadii Barakaysnay Ummadii wada lahayd ee Muslinka Hooyoleyda isku Afka Dhaqanka iyo wax kasta wada wadaagaysana waa la kala irdheynayaa oo lakala fogaynayaa ilaa Xisbiyadii Qaranka iyo shacabkii Qaranka oo Shishiiye ayaa loo sacabo tumayaa oo dalkii Loo camiray Haday tahay ganacsigii oo dhan, sida Suuqii timo jarka iyo Biraha iyo Maryaha, oo caagadaha dacaska Duuga ah ee Dib loosoo dhalaaliyey ah ayaa maryihii lagu doorsadaa oo ay itoobiyaanku la wareegeen iyo nimanka Dhulka carbeed kasoo qaxay ee dhaqaalihii Dalka siiba cuntadii iyo suuqii dhismaha la wareegay, halka Muwaadiniinti ciddi Shaqaalayn weyday, iyana waxa jira Indhoyar macdantii iyo hargihii Xoolaha la wareegay, oo Cid wax lihi jirin, halka masuuliyiinta axsaabta aan xil hayn habeen iyo Dharaar Kornaylada Fashilmay ku Shinbir waaqlaynayaan, se ta maanta socota ee ah in niman Oromo ah oo Waaqeffana Gaalo sawaaban ah oo Illaahay iyo Nabigii Maxamed ahaa NNKH Rumaysnayd oo Tukube Dheer oo ay leeyihiin waa tukubihii Illaahay wata Waar subxaanalee ilaahay ma raqaybaa muxuu usha ku falayaa, Dalkii keenay oo leh waa walaalihiin, ma inakaa isku Af iyo Diin iyo Dhaqan ah! Waar Bal amuurtan eega!,Hadaba Hadaan Xukuumadaa Kulmiye ee Caleentoodii Caddaatay ee Fashillantay ee Qarankii Fashiliyey aanlayska Ridin oo layska qaban beriBuudiis ayey Dalka keeni oo waa inaka ee Masaajidada u baneeya wacyi haka jeediyaane ayey odhan!,


 

Dal hadii Askari Qabsado

 

Dagaal buu ku Dumaa!.

 

Khadar Hooyoley (Fartaag).

 

[email protected]

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...