Dhacdo Xanuun badan!!

Wednesday November 22, 2023 - 13:57:32
Hadhwanaagtv
Maxaan kala kulaney dhakhtarka gabiley ?


Maaha markii koowaad laakiin tani waxey aheyd Mid xasuus gooniya igu reebtey
Walalo alle ha u naxariistee wax lagu soo booday cabaaro 5:00pm waxaanu geyney farmasi uu fadhiiso Dr. Mustafe Gadhle. Markii uu eegey xaaladeedu Waa ka sii dartey wax uu yidhi dhakhtarka weyn dag dag u geeya.

5:40 pm waxaanu keeney dhakhtarka waxaanu ka codsaney iney xaalad dag dag noo galiyaan oo baadhitaan guudna ku sameeyaan. Waxey dhigeen qol caadiya. Halkan ayay ka bilaabantey!

Iyada oo xaaladu ka sii darseyso ayuu ninka dhakhtarka ah, ma doonayo inaan magacyadooda sheego’e dadkii ku mashquliyey mid uu faleenbo u diro , mid uu idhaa meel hebel dawooyin ka soo iibi ila dhakhtarka dhexdiisa oo sagaal nooc oo wax lagu iibiyaa ka socdaan. Anagu intaa waxaan leenahey walal inanta oxygen ku xidh, walal dhakhso oo qolka emergency ga gee.

Meesha is dhexyaaca iyo sagaalka qof ee adiga ku amraya wax ka daran drku go,aan ma qaadankaro. Waxkasta wax uu tilifoon ku weydiinayaa qofka masuulka ah

isagu maaha nin bukaanka focus saaraya mar dadkuu dareerinayaa mar kale familyga ayuu leeyahey dhiig hebel ma ka qaadaa hebel ma ka baadhaa? Markii aanu adeeg na qanciya ka weynay hospital, waxaanu si dhakhso ah u goaansaney inaanu hargeysa u qaadno oo waxaanu weydiisaney ambulance. Waxa lanagu yidhi ambulance ka lacagtiisa meel heblaayo ku soo bixiya. 

Waanu soo bixiney waraaqdiina soo qaadney. Dirawalkii waxa uu na yidhi amar baan sugayaa. Masuulkii uu amarka ka sugayey waxaanu murmeyney 2 saac, mar uu idhaa ma bixino iyo shidaal male waxaanu ku qanciney inaanu shidaalka ku shubno.

Ok hadana waxaan nidhi walal waxaan u baahanhey oxygen inaad naga iibisaan aan soo celino ma taalo iyo ma bixino, inantu uma baahna xitaa waxey nagala hadheen faleenbadii. waxey diideen in ambulance lagu raaco laba qof walaashey oo nures ah wey ka reeben dirwalkana wax uu yidhi amar baan qabaa haduu qofkale soo fuulo aan halkaa joojiyo waayo masuulku wax uu yidhi bahalku taayiro hagaagsan male socodkiisu Waa liitaa oo sidii gaadhimeyd sida buu u socodaa waxey noqotey in isaga baabuurka ka horeeyaa hago
Alxaasil qadarka lama baajiyo laakiin qofka dhakhtarka ah iyo masuulku ba Waa inuu fahmaa inuu naf badbaadinkaro. 

Cusbitalka weyn ee Gabiley umadu waxey kala kulantaa dhibaatooyin aan xad laheyn. Maaha kow mana aha laba ee Waxa jira kaysas waa weyn oo hore uuga soo dhacay oo qofka ka damiiirka lihi haddii wuu ku dhaco shaqada iska casililahaa. 

Cusbitalka Gabiley waa dhagar qabe. Shaqaala kala duwan ee ka hawl gala Cusbitalku waxay dhamaantood ka amar sugayaaa hal qof ayaga oo ka cabsi qaba in shaqada kaga eryo. Haddii masuulka haysta cusbitalku hurdo ilaa la helo oo uu so tooso adeegyada cusbitalka cidi ma bixin karto. Meesha ha la iska xidho ama sidan ha loo dhaamo.

Waxaan u mahadnaqayaa khadar Doolaal oo ka Mid ah mulkilayaasha dhakhtarka Amal Grand iyo shaqaalihiisa.

Waxa loo tagey iyaga oo albaabka noogu diyaar ah dhakhaartii iyo nurse waxey toos u galeen shaqadooda laba jeer oo ey aabo suaalo iyo saxeex uga baahdeen mooyaane.

Waxyaabaha argagax le wax ka Mid ah in dhakhtarka aan geyney ku qeyliyey maxaad oxygen isku soo xidhiweydeen

waxey isku dayeen iney na dajiyaan na samirsiiyaan markii aanu meydhka qaadney na si milgo leh bey noo sagootiyeen waad mahadsantihiin

Nafkasta saacadeeda ayay baxeysaa. Allana ha u naxariisto walashay Nadiira Dheeg. Amiin.

Waxa Qoray Ridwan Dheeg
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...