Madax Xanuunka Xiliga Soonka (Headaches During Fasting)

Monday March 10, 2025 - 06:30:12
hadhwanaagnews
Hoos u Dhaca Sonkorta Jidhka (Low Blood Glucose):



Waxa inta badan dhacda in dadka qaar ay dareemaan madax-xanuun ( Headaches) xiliga ay Somanyihin. Inkasta oo ay jiraan waxyaabo badan( Many Factors ) oo madax Xanuunka Sababi Kara , Hadana waxa aynu hoos ku xusi doonaa qaar ka mid ah waxyabaha keena Arintan xiliga Soonka iyo qaabka looga hortagi karo:

1. Biyaha oo Jidka ku yaraada( Dehydration ) : Qofka aan cabbin biyo ku filan inta aanu soomin ka Hor , waxay ku keeni kartaa in jidhku uu lumiya biyaha, oo hoosna u dhigi doonta mugga dhiigga (blood volume), islamrkaana keeni karta madax xanuun iyo daal badan( fatigue).

2. Hoos u Dhaca Sonkorta Jidhka (Low Blood Glucose): Haddii qofku aanu qaadan cunto dheelitiran ( Balanced Diet ) ka hor soonka, sonkorta dhiigga (blood sugar) ayaa hoos u dhacda, taasoo sababi karta madax xanuun iyo dawakhaad.

3. Isku Dheelitir La'aanta Macdanta Jidhka (Electrolyte Imbalance): Maadaama qofku uu iska ilaaliyo cuntada inta lagu jiro soonka, waxaa dhici karta inuu jidhku lumiya qaar ka mid ah macdanta sida sodium iyo potassium, taasoo keeni karta madax xanuun iyo calaamado kale sida murqo xanuun.

4. Isticmaalka Caffeine oo Meesha Ka Baxey (Caffeine Withdrawal):dadka qaar ee aad u isticmaali jirey Caffeine , Gaar ahaan bunka iyo shaaha, oo uu jidhku la qabsi badan la sameeyey ayaa waxa ay ku keenta madaxanuun madaama uu jidhkii waayayo xiliga Soonka.

5. Sunta iyo Ka Saarida Jirka (Toxins and Body Detoxification): Soonku wuxuu ka qeyb qaataa habka sun-saaridda jidhka, kaasoo Sababta in jidhku uu bilaabo inuu sii daayo sunta kaydsan, gaar ahaan unugyada baruurta. Nidaamkan ayaa kicin kara madax xanuun.

6. Isbeddellada Qaababka Hurdada (Changes in Sleep Patterns):

Dad badan ayaa la kulma isbeddelo ku yimaada qaabka hurdadooda marka ay soomaan, sida hurdo la'aan ama hurdada oo si aan caadi ahayn loo qaato. Hurdo xumadani waxay sidoo kale ka qayb qaadan kartaa madax xanuunka.

Hadaba sidee looga hortagi Arintan xiliga Soonka :

•~Inuu qofku Cabbo Biyo Kugu Filan Soonka ka Hor si looga hortago biyo yaraanta.

•~In kor loo qaado isticmaalka Cunto Dheelitiran ( balanced diet ) Ka Hor Soonka ( pre down meal ) si looga hortago hoos u dhaca sonkorta dhiigga.

•~ In qofku Seexdo Hurdo Ku Filan ( Sufficient Sleep) taasoo muhiim u ah caafimaadka guud iyo ka hortaga madax xanuunka.

•~In qofku aayar aayaru yareeyo( Gradually Reduce )Bunka iyo waxyabaha kale jidhkiisa la qabatimay ka Hor Soonka.

Maxamed Ibrahim

     
Loading...