Hay’adda Lacagta
Adduunka ee IMF ayaa sheegtay inay heshiis la gaartay dawladda Soomaaliya, kaas
oo ah in dalka la siiyo gargaar lacageed, iyadoo la raacayo barnaamijka
waddamada dakhligooda gudaha hooseeyo ee taageerada u baahan.
War saxaafadeed ay
maanta oo Arbaca ah soo saarta IMF ayey ku sheegtay in Soomaaliya ay sii waddo
fulinta isbeddellada dhaqaale ee xoojinaya hay’adaha dhaqaalaha iyo kuwa
maaliyadda oo u gogol xaaraya in Soomaaliya ugu dambayn hanato in daynta laga
cafiyo bisha Diisambar ee sannadkan.
Hay’adda IMF iyo
dawladda Soomaaliya ayaa ku heshiiyey in dalka lagu gargaaro muddo saddex sano
ah kaalmo dhan 100 milyan oo doollar, iyadoo loo cuskanayo qorshaha waddamada
dakhligoodu hooseeyo.
IMF waxay sheegtay in
koox ka socota hay’adda oo ay hoggaaminayso Laura Jaramillo oo ka tirsan
hay’adda, ay wadahadallo kula galeen mas’uuliyiinta Soomaaliya magaalada
Nairobi bishii Sebtember, halkaasna ay ku gaareen heshiiskan Soomaaliya u
fasaxaya gargaarka dhan 100-ka milyan ee doollar.
Waxay sheegtay in
go’aankan ay tahay inay ansixiyaan guddiga maamulka hay’adda IMF.
"Soomaaliya waxay
samaysay horumar la taaban karo sidii ay dib ugu dhisi lahayd hay’adaha
dhaqaalaha iyo kuwa lacagta,” ayey tiri Jaramillo oo hoggaaminaysay kooxda IMF
ee wadahadalka la gashay Soomaaliya.
"Iyadoo la raacayo
barnaamijkan gargaarka ECF (dawladaha dakhligoodu hooseeyo) oo soo socday tan
iyo sannadkii 2020-kii Soomaaliya waxay sii wadday fulinta isbeddellada xooggan
ee gacanta ka gaysanaya xoojinta hay’adaha dhaqaale iyo maaliyadeed ee muhiimka
ah,” ayey intaas ku dartay.
Mas’uuliyiinta dawladda
Soomaaliya ayaa sheegay inay ka rajo qabaan in Soomaaliya ay ku guulaysato in
laga cafiyo qaanta lagu leeyahay oo dhan balaayiin doollar dhammaadka
sannadkan.
VOA