Gabayga Soomaalidu waa wax aad u da’ weyn, waxaana laga yaabaa in uu af-soomaaliga laftiisaba da’ ahaan ku dhow yahay. Intii ay Soomaali jirtayba gabayga iyo qaybaha kale ee suugaanteennuba waa ay jireen.
Soomaalida waxa lagu tilmaamaa ummadaha hal’abuurka hibada u leh. Arrintaa innaga oo is-ammaanayna iskuma aynaan sheegin, ee dadyowgii kale ee shisheeyaha ahaa ee dhulkeenna socdaallada ku iman jiray ayaa inoo qiray. Qoraallo iyo buugaag kala duwan oo ay shisheeyahaasi inaga qoreen oo ilaa maanta la hayo ayaa jira.
Iyada oo ay arrintu sidaas tahay ayay xukuumaddii Kacaanku suugaanteenna gef ka gashay. Iyada iyo dadkii ay adeegsan jirtay ee ay hawlaha suugaanta diran jiray ayaa faafiyey hadal aan run ahayn oo ah, Raage ayaa gabaygeenna bilaabay ama isku dubbariday!
Raage Ugaas, Alle ha u naxariistee, in uu ahaa gabyaa murti badan oo qiima leh inooga tegey, isla markaasna maamuus inaga mudan lama diidi karo. Waxa se la diiddan yahay gefafka sida ulakaca ah bulshada dhexdeeda loogu faafiyo, kuwaas oo aan ummad ahaan inoo wanaagsanayn, da’yarteennu na ay run moodi doonto.
Waxa jira rag ay Raage isku xilli ahaayeen iyo qaar ka horreeyey xagga da’da iyo waqtigaba oo gabayadoodii maanta wax laga hayo. Gabayada ay raggii Raage ka horreeyey curiyeen iyo kuwii uu Raage tiriyey waa isku mid xagga miisaanka iyo xagga farsamada ay u dejisan yihiin, oo waxba kuma kala duwana. Markaa, sida ay Kacaankii iyo xertiisu qabaan, haddii uu Raage gabayga gebigiisaba bilaabay, gabayadii Soomaaliyeed ee isaga ka da’ weynaa ee raggii isaga ka horreeyey ay tiriyeenna yaa bilaabay?!
Raage waxa uu noolaa intii u dhexaysay 1840kii iyo 1880kii. Isaga oo 40 jir ah, ayuu sida xogaha taariikheed lagu hayo, ku geeriyooday dagaal beeshiisa iyo beel kale ka dhex qarxay.
Mararka ay Kacaanka iyo adeegashiisii hore iyo kuwa dambe ba leeyihiin gabaygeenna intii u dhexaysay 1840kii iyo 1880kii ayaa la bilaabay, sow ma aha arrin aan sax ahayn oo aan la dhayalsan karin? Haddii hadalkaa halkiisa lagu joojin waayo, ummaddeenna oo ah ummad qarniyo badan murti qurux badan, hal’abuur kala duwan iyo taariikh fil weyn soo lahayd ayaa loo arki doonaa bulsho dhowaan uun soo baxday oo ay hal’abuurku iyo fikirkuba u cusub yihiin!
Sida caadiga ahna in ay Soomaalidu sooyaal da’ ah oo qani ah leedahay waxa u dheer in loo qirsan yahay in ay murtideedu suugaanta bulshooyinka caalamka meel fiican kaga jirto. Sidaa darteed waxa muhiim ah in wax kasta oo sooyaalkeenna suugaaneed iyo ka taariikheeba ka khaldama la saxo.
W/Q. Axmed Iid Aadan
Hargeysa, Soomaalilaan.
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!