Xaaladda Qaxootiga Sudan Oo Laga Deyrinayo.

Wednesday October 18, 2023 - 06:24:55
hadhwanaag
"Wuxu intaas ku daray in bulshada caalamka aysan kasoo bixin balantoodii"



Waxaa aad looga deyrinayaa xaaladda qaxootiga ka baxsanay coladada sudan. 42 qaxooti reer Sudan ah ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhinteen bariga dalka Chad toddobaadkii hore kaddib markii ay ka dhamaadeen biyaha, cuntada iyo sidoo kale qaarna ay u dhinteen cudurka duumada.

 

Kaaliyaha guddig qaxootig Sudan Mujib Al-raxmaan Maxamed ayaa sheegay in dhibaatada ugu badan ay ku dhacday haweenka, Carruurta iyo waayeelka. Wuxuu kaloo sheegay in dad ka badan hal milyan ay ka gudbeen xadka Chad.

 

Wuxu intaas ku daray in bulshada caalamka aysan kasoo bixin balantoodii aheyd in ay caawinayaan dadka ka qaxaya dagaalka lixda bilood jirsaday.

 

BBC

     
Loading...