Faa'iidooyinka Ay Biyaha Liin- dhanaantu U Leeyiihiin Jirkaaga

Friday September 29, 2023 - 08:18:17
Hadhwanaag
"Faytamiin C waxaa inta badan la sheegaa in uu taageero habka difaaca jirka."



 

Cabitaanka biyaha Liin-dhanaanta ayaa lala xiriiriyay faa'iidooyin badan, oo ay ka mid yihiin hagaajinta maqaarka iyo dheefshiidka.

 

Biyaha Liin-dhanaanta

Liin-dhanaanta iyo miraha Liinta kale waxa ay caan ku yihiin maqaarkooda midabada leh iyo dhadhanka aadka u dhanaan leh.

 

Biyaha Liin-dhanaantu waa casiirka liin dhanaanta oo lagu daray biyo waxaana laga yaabaa in la cabbo iyagoo kulayl ah ama qabow ah, sidookale waxaa mararka qaar lagu darsadaaa malabka, reexaanta ama xawaashka, huruudka iyo basbaaska.

 

Nafaqada kujirta biyaha Liin-dhanaanta’

Halkii Galaas ee (150ml) oo lagu daray hal xabo Liin-dhanaanta ah ayaa waxay ku siinaysa qiyaastii:

 

• 4Kcal / 16KJ kaloories ama tamar ah

 

• 0.1g oo borotiin ah

 

• 0.8g kaarbohydrate

 

• 65mg Potassium

 

• 18mg Fitamin C

5-ta faa'iido caafimaad ee laga helo biyaha Liin-dhanaanta

 

Dhaqaatiirta ayaa cabbitaanka biyaha liinta la xiriiriyay fa’idooyin badan, oo ay ku jiraan inay miisaanka qofka yareeeyaan, aad u caawiso dheefshiidka iyo guud ahaan maqaarka jirka oo ay qurxiso.

 

Inkastoo Cilimi baarisyada lagu sameeyay biniaadamka ee la xariira faa’idada ay Liinta u leedahay ay yaryihiin hadana waxaan soo qaadan karnaa faa'iidooyinka arrimahan si gooni ah.

 

Il uu Jirka biyo ka helo

Biyuhu waa nafaqo muhiim ah la'aantooduna qofka wuxuu noolan karaa maalmo kooban oo kali ah. Jirka dhalaanka boqolkiiba 75% biyo ayuu kakoobanyahay halka dadka waaweyn uu jirkoodu boqolkiiba 55% uu biyo yahay.

 

Haddii aad tahay qof ay ku adag tahay cabidda biyaha, waxaa lagu taliyaa in aad biyo qabow ama kulul oo aad Liin ku darsato aan kaa caawin karto dhibaatadan.

 

Fuuqbaxa ama oonka dran waxay keeni karaan madax-xanuun, dawakhaad iyo daal - waa muhiim inaad hubiso inaad isticmaasho biyo kugu filan markaad jimicsiga samaynayso ama cimilada kulushahay.

 

Khubarada cafimaadka ayaa ku talinaya in la cabbo 6-8 koob oo Biyo ah maalintii.

 

Waa il Fitamiin C

Qarniyo badan, Liinta ayaa la sheegay in loo isticmaali jiray daawaynta Cudurka scurvy, ooh hadda ah xaalad naadir ah oo oo qofka ku dhici karto marka jirka uu ka yaraado fitamiin C .

 

Faytamiin C waxaa inta badan la sheegaa in uu taageero habka difaaca jirka.

 

Mid ka mid ah daraasaddaha ayaa lagu ogaaday in inkasta oo fitamiin C uusan ka hortagin hargabka,laakin wuxuu soo gaabinayaa xiliga qofka uu la xanuunsanaan lahaa hargabka. waxayna kala bar ka dhigi kartaa khatarta hargabka dadka cadaadiska jirkooda saara sida kuwa orod- yahanada ah.

 

Waxaa laga yaabaa inay taageerto caafimaadka maqaarka

Khubaro ayaa la xiriiriyay fiitamiin C (ama ascorbic acid) iyo flavonoids, oo laga helo midhaha Liinta, hagaajinta xaalada maqaarka.

 

Sidookale faytamiin C waxa la og yahay in uu jidhka ka caawiyo in uu soo saaro kolajka, kaas oo ka qayb qaata hufnaanta maqaarka.

 

Waxa xiiso leh, daraasad la sameeyay 2016-kii ayaa muujisay in cabitaanka casiirka Liinta ku salaysan uu ka caawiin karay ka hortagga waaxyeelada horseeda gabowga ee maqaarka Jiirka.

 

Waxay caawin kartaa dheefshiidka

Dadka qaar waxay u arkaan cabitaanka koob biyo Liin ah, gaar ahaan waxa ugu horreeya subaxdii, inay caawineyso dheelitirka dheefshiidka. In kasta oo ay tani inta badan tahay mid aan la xaqijiin oo warbixinnadeedu ay yihiin sheeko-xariir, daraasaadka lagu sameeyay Jiirka ayaa muujinaya xoogaa ballanqaad ah oo sheekadan taageeri karto.

 

Daraasad 2019-kii la sameeyay ayaa soo jeedineysa in isticmaalka dheer ee cabitaanka biyaha Liin-dhanaanta ay u muuqatay inay dib u dhigayso isbeddelada la xidhiidha da'da ee lagu arkay mindhicirka, oo ay ku jiraan isbeddelada dheellitirka bakteeriyada faa'iidada leh ee kujirta gudaha mindhicirka.

 

Waxaa laga yaabaa inay ka hortagto dhagxaanta kelyaha

 

Ashitada citric ee ku jirta Liin-dhanaanta waxa laga yaabaa inay caawiso ka hortagga dhagxaanta kelyaha ee yimaado marka uu calcium oxalate isku uruuro, biyaha dheeraadka ah ayaa laga yaabaa inay sidookale caawiyaan kahortaga fuuq-baxa ayna soo saaraan dhagxaanta kelyaha.

 

Biyaha Liin-dhanaanta qof walba ma cabi karaa?

Inta badan wax dhibaato ah malaha cabida biyaha Liin dhanaanto lakin waxaa jiro dhowr wax yaaabood oo qofka laga rabo in uu ogaado haddii uu doorto in uu cabo biyaha Liin-dhanaanta.Waxaa kamid ah ilkaha oo jaale noqdo iyo qofka gaaska qabo oo bog balbal dareemo, laakin aalaba qofka wuu ka caafimaada marka uu cabo biyaha Liin-dhanaanta.

 

BBC

     
Loading...