Faa'iidooyinka Ay Leedahay Naagta Qallafsan!

Monday May 06, 2024 - 09:11:13
hadhwanaagtv
Xaaska xanaaqa badan waxay ka dhigtaa xiriirka aad la leedahay...


Xaaska xanafta leh waxay ninka ku caawisaa inuu miisaankiisa iyo jalaqsanaantiisa ilaashado, waayo waxa ay ku dhibtaa raashinka, sidaa awgeed waxa uu waqtigiisa ugua badan ku qaataa sidii qof sooman oo kale!.


Xaaska dhibka badan waxay ninkeeda ku caawisaa inuu kor u qaado xiriirka qaraabada, oo isagoo iyada ka cararayo ayuu aadaa mar walba guriga hooyadiis, ee hadii uu farxad ka heli lahaa guriga, waxay taas ugu sabab noqan laheyd inu waalidka iska ilaawol.


Xaaska xanaaqa badan waxay ka dhigtaa xiriirka aad la leedahay maamulahaaga shaqada mid aad u wanaagsan, sababtoo ah naceybkaaga guriga ayaa u sabab noqonaya inaad shaqada mar walba xadir ku ahaatid, taasoo ah dabeecadda kaliya ee keeni karta taas!


Xaaska dhibka badan waxay kaa caawinaysaa inaad hoos u dhigo indhahaaga, sababtoo ah waxay kaa dhigaysaa qof naca dumarka oo dhan adiga oo niyadda gashanaya naag masiibadeed tan lee hakugu ekaato. (Mu'minka laba jeer lagama qaniino hal god)!.


Haweenayda dhibka badan waxay carabkaaga ka dhigtaa mid ilaahey mar walba xusa, waayo waxaad had walba ku jireysaa


( انا لله وانا اليه راجعون )!.


Sheekaba sheekey keentaahe, Waxa kale oo la sheegay in laba saxiibo ah oo muddo kala maqnaa ay kulmeen muddo kadib, mid kamid ayaa waydiiyay kii kale: xaaskaagu ma tahay nooca jahawareerka badan? Waxa uu ku yidhi: Ma nooc kalaa jira?!.

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...