Si aad dunida isaga dhiciso qarnigaan 21aad, waxaa lagama maarmaan ah in aad talooyinkan raacdo.

Monday July 17, 2023 - 10:31:36
Hadhwanaag
Baro xirfad dunida qiimo kaleh.


Sida aad ogtihiin dunida waa isbadelaysaa waqti walba, waxaana lagaa rabaa in isbadalkaa aad la jaanqaadi karto si aad nolosha uga harin.


1. Baro xirfad dunida qiimo kaleh.


Si noloshaada aad u maareyso ku dadaal in aad lahaato xirfad laga macaashi karo ha ahaadaan kuwa computerka lagu qabto ama si kalaba.


2. Caqiidadada ilaasho.


Sida aad ogtihiin dunida waxaa ka jira diin la dagaalan, waxaa jira ururo aan ogoleyn sii jirida diinta. Ururka maasooniyada ayaa ah wax aan ka xusi karo oo shaqadoodu tahay shaydaan caabud iyo in waxwalba oo wanaagsan dunida laga tirtiro xumahana la taageero.


Waxba hala yaabin waxay boos u sii diyaarinayaan masiixu dajjal.


Sidaa awgeed ilaasho islaamnimadaada.


3. U dhag furnoow oo la soco waxa hareeragahaaga iyo dunidaba ka dhacaya


La soco waxa dhacaya si aad xili dambe u soo baraarugin oo meesha ay wax kabilowdeen aad markaa raadinteeda bilaabin.


4. Qof waxbadan baara oo waxbadan og noqo


Isku day in aad waxbadan akhriso oo waxwalba ama mowduucwalba aad wax ka ogaato. Akhri historyga, waxa mustaqbalka lasii saadaalinayo iyo waxwalba oo garaadkaaga balaarin kara.


Inta kale adinka ku sii dara…

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...