Waxaa jira cunnooyin
wanaajin kara xaaladdeenna, xusuusta iyo naga caawin kara in maskaxdu ay si
fiican u shaqeyso.
Uma Naidoo oo ah
khabiir dhanka nafaqada ah ahna bare sare oo ka tirsan Jaamacadda Harvard
University Medical School, Mareykanka ayaa baaritaan ay sameysay kaddib ku
talineysa cunooyinkan soo socda.
Caafimaadka maskaxda
iyo cunnada ayaa si isugu xiran. Haddii cunnadu aysan ahayn mid caafimaad leh,
waxay saameysaa maskaxda.
Waxay khabiiraddan u
sheegtay BBC in marka aad ka taxadarto cunnadaada, aad sidoo kale ka taxadartay
maskaxdaada.
Haddaba waa kuwee
cunnooyinka u fiican maskaxda?
Xawaashyada
Noocyada kala duwan
ee xawaashyada waxay leeyihiin maaddooyin suntan jirka ka hortagta. Waxaa ka
mid ah huruudda, oo faa’iido u leh yareynta isku buuqa iyo diiqadda.
Huruuddu, waxaa ku
jirta maaddada Curcumin oo yareysa diiqadda iyadoo beddeleysa kimistariga
maskaxda.
Geed kale waa
sacfaraanka. Baaritaan ayaa lagu ogaaday sida ay Naidoo sheegeyso, in
sacfaraanku wax weyn ka taro ka hortagga isku buuqa.
Daraasado ayaa
muujinaya in cunitaanka sacfaraanku yareynayo calaamadaha isku buuqa ee qofka.
Cunnooyinka qamiirka
leh
Waxaa jira noocyo
badan oo cunnooyinka la qamiiriyay ah. Waxaa ka mid ah caanaha ciirta,
khudradda amaba sida burka lagu daray qamiirisada.
Khudradda waxaa ka
mid ah kuwa muddo biyaha lagu dhigay ee la qamiiriyay.
Cunnooyinkan waxaa ku
jira bakteeriyo u fiican kaadi-mareenka oo yareynaya diiqadda.
Cunnooyinka la
qamiiriyay ayaa faa’iidooyin dhowr ah u leh maskaxda.
Daraasad sanadkii
2016 la sameeyay ayaa muujinaya in cunnooyinka la qamiiriyay ay difaacaan
maskaxda, ayna wanaajiyaan xusuusta hoosna u dhigaan garaad yarida, sida ay
sheegtay Naidoo.
Tusaale, ciirta
dabiiciga ah ayaa ah mid faa’iido leh oo qofku maalin walba ku darsan karo
cunnada uu maalintii cuno.
Looska
Maaddooyinka sunta ka
hortaga ee ku jira dufanta omega-3 ee laga helo nooc looska ka mid ah oo lagu
magacaabo walnuts ayaa sare u qaadi kara xusuusta iyo hab fekerka.
Dhanka kale, loosku
wuxuu leeyahay dufan caafimaad leh iyo saliido ay u baahan tahay maskaxdeenna
si ay si hagaagsan ugu shaqeyso, iyo sidoo kale fitamiinno iyo macdan sida tan
selenium eel aga helo
looska nooca Brazil nuts.
Naidoo ayaa ku
talineysa in maalintii la cuno 1/4 koob.
Waxaa looskan lagu
dari karaa waxyaabaha kale ee aa cunno amaba sidooda ayaa loo cuni karaa.
Shukulaatada madow
Shukulaatada madow
waxaa ka buuxa macdanta birta, oo caawisa dahaarka difaaca neerfayaasha.
Qiimeyn lagu sameeyay
in ka badan 13,000 oo qof sanadkii 2019 ayaa lagu ogaaday in dadka sida
joogtada ah u cuna shukulaatada madow ay 70% hoos u dhigeyso khatarta isku
buuqa.
Shukulaatada madow
waxaa ku jira maaddooyinka ka hortada sunta jirka oo aad faa’iido u leh.
Afokaadhada
Afokaadhada waxaa ku
jira xaddi sare oo maaddada magnesium ah, oo muhiim u ah shaqada maskaxda.
Waxaa jira daraasado
aan xisaab lahayn oo sheegaya in isku buuqa lala xiriiriyo yaraanta maaddada
magnesium.
Tijaabooyin badan oo
lagu sameeyay bukaanno lagu daweeyay inta u dhaxeysa 125 ilaa 300 milligraam oo
magnesium ah ayaa muujinaya inay degdeg uga soo kabteen isku buuqa.
"Waxaan jeclahay inaa
afokaadho ku qaso digirta iyo saliid saytuun kaddibna marsado roodhi iniin kala
duwan ka sameysan, amaba aan ku cuno khudrad,” ayay tiri Naidoo.
Khudradda cagaaran
Khudradda cagaaran,
sida koostada ayaa isbeddel weyn ku sameeya caafimaadkeenna, sida ay
sharraxeyso khabiiradda.
Inkastoo aan aad loo
ogeyn haddana runtu waxay tahay in khudradda cagaaran uu ku jiro fitamiin E iyo
maaddooyinka carotenoids iyo flavonoids, kuwaasoo ah nafaqooyin ka hortaga
xusuus la'aanta iyo garaad yarida, sida ay Naidoo sheegtay.
faa'iido kale oo
cunnooyinkan laga helo waxaa ka mid ah inay ku jirto maaddada folate, oo ah
nooc dabiici ah oo fitamiinka B9 ah kaasoo muhiim u ah sameysanka unugyada cas.
Yaraanta folate ee
jirka ayaa sababi kara dhibaatooyinka dhanka neerfaha ah. Taasina waa sababta
fitamiinkan uu muhiim ugu yahay xususta