Qaabkee Ayey U Dhacday Codayntii Xubnaha Komishanku Kaga Dalbadeen Maxkamada Sare Doorashada Ay Qabaan Karaan?

Tuesday July 04, 2023 - 22:56:15
Qaabkee Ayey U Dhacday Codayntii Xubnaha Komishanku Kaga Dalbadeen Maxkamada Sare Doorashada Ay Qabaan Karaan?


Fadhi ay ka soo xaadireen lix xubnood oo ka mid ah guddia doorashooyinka ayaa cod loogu qaaday qorshe uu miiska soo dhigay gudoomiye Muuse Yuusuf kaas oo uu ku dalbanayey in maxkamada sare loo gudbiyo go’aan ka gaadhida doorashada ay qabanayaan.

Wararku waxay sheegeen in komishanku ku qaybsamay qaabka uu gudoomiye Muuse u qorsheeyey go’aan ka gaadhida doorashada ay qabanayaan, Ibraahim Aadan Cali oo ah xubintii xisbiga Ucid soo magacaabay ayaana fadhigan ka maqnaa, Cabdicasiis Xirsi Warsame oo xisbiga Waddani soo magacaabayna waxa uu si cad u diiday dalabka maxkamada sare loo diray.

Sidoo kale wararku waxay sheegayaan in xubnaha kala ah Muuse Xasan Yuusuf, Xuseen Cabdi Cali iyo Axmed Cismaan Xasan oo Muuse Biixi soo magacaabay oo lagu daray Faadumo Ismaaciil Cabdi oo golaha guurtidu soo magacaabeen ay dhamaantood isku raaceen in komishanku ay maxkamada sare ka dalbadaan doorashada ay qabanayaan halka Axmed Yuusuf Maxamed oo golaha guurtidu soo magacaabay ay wararku sheegeen inuu ka aamusay codayntii.

Maxkamada sare awood uma lahaa inay dejiyaan khariirad doorasho, bishii January 2022 ayaanay hore u soo saartay in la galo doorashada guud ee ururada, komishankuna waxa uu u muuqdaa kuwo shaqadoodii cid kale ku wareejiyey, Muuse Biixi waxa uu fashilkiisa masuuliyadeed ee uu dalka doorasho kaga qaban kari waayey kaga galgalanayaa kolba dacwad loo gudbiyo maxkamada sare oo hogaankeedii u dhaqmayo sida xoghaynta madaxweynaha, ururadii siyaasadana wali lama hayo halka ay xisbiyadiina bilaabeen shirar isdaba joog ah oo ay kaga arinsanayaan talaabada komishanku qaaday.

Sidoo kale guddida rasmiga ah ee beelaha Garxajis hore u go’aamiyey inaan deegaandooda laga qaban doorashada ururada ayaa goor dhawayd lay xaqiijiyey in shirar u bilaabmeen.

Wixii warar ah ka soo kordha arimaha doorashooyinka iyaga oo faahfaahsan waan idinla socodsiin doonaa.


     
Loading...