Tobanka maalmood ee Dunida ugu Fadliga badan.

Wednesday June 21, 2023 - 10:37:56
Hadhwanaag
Waxa fadli ugu filan tobankaa maalmood ee bisha Dul-Xijjah


Ilaahay ❪ﷻ❫ raxmadiisa iyo galladiisa waxa ka mid ah inuu inoo yeelay xilliyo fadli badan oo Camalada la sameeyaa ay ka fadli badanyihiin Camalada xilliyada kale la sameeyo.


Waxaa ka mid ah xilliyadaas Tobanka maalmood ee ugu horreeya bisha Dul-Xijjah ❪عشر ذي الحجة❫oo ah tobanka cisho ee adduunyada ugu fadliga badan.


Waxa fadli ugu filan tobankaa maalmood ee bisha Dul-Xijjah ugu horreeya inuu ilaahay ❪ﷻ❫ ku dhaartay, ilaahayna waxa uu ku dhaartay ee khalqigiisa ka mid ahi waa wax weyn.


Ilaahay ❪ﷻ❫ waxa uu yidhi:

{وَٱلۡفَجۡرِ ١۝ { وَلَیَالٍ عَشۡرࣲ٢۝}


❪Waagaan ku dhaartay. Iyo Habeeno (ayaan ku dhaartay) toban ah.❫


Waxa lagu fasiray tobanka habeen ee aayadaasi ku jira in looga jeedo tobanka maalmood bisha Dul-Xijjah ugu horreeya.


قال رسولُ الله ﷺ: ❪أفضلُ أيامِ الدنيا أيامُ العشْرِ❫يعني: عشر ذي الحجة.


Rasuulku ❪ﷺ❫ wuxuu yidhi: ❪Maalmaha adduunyada waxa ugu fadli badan maalmaha tobanka ah.❫

–Waa tobanka maalmood ee bisha Dil-Xijjah u horreeya.


Maalmahaa fadliga badan aynu ka faa'idaysanno oo Camalada wanaagsan aynu farabadino ma ogin inay mar dambe ina soo mari doonaan oo goor aynu dhiman kama war qabno markaa waxa inala gudboon inaynaan dayicin maalmahaas fadliga badan.


الَّلهُمَّ بَلِّغْنَا عَشْرَة ذِي الْحِجَّةِ وَيَجْعَلْهَا عَشْرًا طَهُورًا تُطَهِّرُ بِهَا صَحَئِفُنَا مَنَ الْخَطَايَا وَالْآثَام.

الدال على الخير كفاعله

ـــــــــــــــــــــــــــــ

➪Sii faafi, iskuday ugu yaraan in aad hal qof sii gaarsiiso..

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...