Yaasiin Faratoon iyo Xaaladaha maanta.

Sunday June 11, 2023 - 15:00:21
hadhawanaag
W:Qorey: Asad Adaani Ibrahim


Yaasiin Faratoon waxaa isugu kaaya horaysay oo aan arkay 2002 Nairobi, laakiin maqal waxaanu nahay laba nin oo ilmaadeer ah oo Jaamac Siyaad ka soo wada jeeda, xogtiisa iyo saamaynta uu Jaamac Siyaad ku leeyahay hadda iyo ka horba xog ogaal u ah, intii uu Koonfurta Soomaaliya joogay iyo xilligii uu Afgooye ku haystay Hutelkana ka warqabay ayaan ahaa.


Intii uu deegaanka ku soo noqdayna wuxuu ku fooganaa talaabo talaabo ula socday, maalintaa aanu Nairobi ku kulanay wuxuu ka hadlayey waan ku dhaliilay, mar kale oo aanu Laascaanood wada joognay 2004 ayuu doonay maalin in uu la kulmo dhallinyaro Jaamac Siyaad ah oo uu ogaa in ay aragtidiisa guracan diidan yihiin, waxaanu u sheegnay in aanay marnaba suurta gal ahayn in laga dhagaysto fikirka guracan ee uu wato beeshana kala dhex baxo aragtida qaldan.


Aragtida Yaasiin Faratoon markuu bulshada Jaamac Siyaad ee caqliga u saaxiibka ah ku dhex wadi kari waayey ayuu la raadsaday inta indhaw garadka ah, iyo maamulka Hargeysa ee isagu had iyo jeer ugaadhsada inta ugu garashada liidata ee aan fahansanayn yoolka Hargeysa, bishii koowaad ee 2004 ayuu Yaasiin Faratoon isaga oo wata malayshiyo "Somaliland” wuxuu ka soo tallaabay Guumays oo aanay hore ugu dhiiran jirin Malayshiyada "Somaliland” odayaasha Beesha Jaamac Siyaad falkaa foosha xun ee Yaasiin Faratoon iyo kuwii indhow garadka ahaa ee la socday ku talaabsadeen way canbaareeyeen. Waxaa shir degdeg ah lagu qabtay Yagoori, Yaasiin Faratoon shirkaa hadalkasta oo qaloocabn wuu kula hadlay odayaashii Jaamac Siyaad.


Waxgaradka Jaamac Siyaad waxay u arkayeen Yaasiin Faratoon nin bulshada muusibo u horseedaya oo cadow ku soo hoggaamiyey, hawsha uu ku foogan yahayna dhibweyn oo naf iyo maalba lagu waayi doono ay ka dhalandoonto waana ta ay maanta natiijadeedii muuqato.


Intaa wixii ka danbeeyey Yaasiin Faratoon wuxuu ahaa nin loo adeegsado dhibaatayna dadka ay dad isugu xigaan iyo tolweynaha guudba, intii "Somaliland” Laascaanood joogtay wuxuu ahaa adeegayaasha maamulka Hargeysa kuwa ugu daacadsan laakiin marnaba Jaamac Siyaad sumcad kuma dhex lahayn.


Xilligan la joogo Yaasiin Faratoon saamayntiisu maaha tii 2004 iyo muddooyinkii ka danbeeyey, dhawr qodob ayaa caawin jiray berigaa, Puntland oo deegaanka joogtay iyo Malayshiyada "Somaliland” oo dhaqaale adeegsanaysa kala duwanaanshaha siyaasadeed ee deegaanka xilligaasna ka faa’iideysanaysay iyo dadka aan caqliga u saaxiibka ahayn oo kuwo badan aragti qaladan oo Yaasiin Faratoon aaminsan yahay u nuglaa.


Arrimahaas oo dhan maanta ma jiraan, maanta miidaanka waxaa joogaa Jaamac Siyaad awood leh oo iska qaban kara kan fikirka guracan ee "Somaliland” tolka la dhex yimaada, Dhulbahante mideysan,Puntland maanta siyaaasad ahaan deegaanka wax saamayn ah kuma laha.


Xilligan la joogo beesha Isaaq iyo taageerayaasha "Somaliland” talooyin badan ayaa la gudboon, been weligay uma sheegin abtiyaashay, iyaga iyo tolkayna qof iiga xog ogaal san xilligan ma noola,weligayna waxaan aaminsanaa in"Somaliland” tahay waxaan hirgalayn, sidaasi daraadeed si aanay wakhti badan ugu lumin Dhulbahante waxaa la gudboon in ay talooyinka qaataan oo ay danahooda si ka duwan sidan u qorshaystaan, Yaasiin Faratoon,Mahad Canbaashe, Indho Indho, Saleebaan Gaandaa Cali Koore, Raage Garaad Cabdi Qaniiyo Cabdkariin Siciid Aw Cabdi ayaad Saaka Dhulbahante idinkala jooga intaas idinkuna waad taqaaniin oo Dhulbahanteba ka badiya yaanu wakhtigu idin kaga lumin dhabbo aan ceel tagayn.


Talooyin intan ka qoto dheerayaan idin siin lahaa laakiin waydin qaadanayn Abtiyaal.

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...