Madaxweynaha dowlad
deegaanka Soomalida ee Itoobiya Mustafe Cumar Cagajar ayaa sida tan bartiisa
Faceboogga kusoo qoray ''Taariikhda Itoobiya dawlad Muslimiinta dalku ay ka
heleen xorriyadda diimeed, xuquuqaha siyaasadeed, muujinta(shacaacirta)
diintooda inta ay ka heleen Dawladda uu Hoggaamiyo RW Abiy Ahmed iyo Xisbiga
Barwaaqo ma jirto. Way haboon tahay in laga gilgisho wixii dhibaatooyin ah ee
la soo darsa Muslimiinta balse in laga been sheego xaqiiqda jirta ama la dafiro
wixii wanaag ah ee jira maaha. Waa in wax walba si waaqici ah loo wajaho. Waan
ka tacsiyeeynaynaa shuhadada dhibtu soogaadhay. Waan qaadanaynaa doorka nagaga
aadan in ayna dib u dhicin arimihii sababay dhibaatada''
Magaalada Addis Ababa
ee dalka Itoobiya ayaa sheegaya in weli ay taagan tahay shaqaaqo u dhaxeysa
booliiska dalkaas iyo dad ka dibadbaxayay burburinta masaajiddo.
Dhowr goobood oo ay
Muslimiintu ku cibaadeystaan oo ku yaalla bannaanka magaalada Addis Ababa ayaa
la burburiyay bilihii la soo dhaafay, tanoo qeyb ka ah qorshaha magaaleynta ee
lagu muransan yahay, kaasoo caro ku abuuray Muslimiinta dalkaas.
Bishii hore
dabayaaqadeedii, Golaha Sare ee Islaamka ee gobolka Oromia ayaa sheegay in 19
masjid oo ku yaalla magaalada Shaggar la burburiyay waxayna ugu baaqeen
dowladda gobolka inay ka baaqsato arrintaas ayna ku dhammeyso wada xaajood.
BBC