Gud. Xirsi Oo Ka Hadlay Shil Gaadhi Oo Dhimasho Sababay Kana Dhacay Berbera.

Sunday May 28, 2023 - 09:35:30
hadhwanaag
"Waxa aan Ilaahay uga baryayaa Marxuumka dambidhaaf iyo naxariis waasac ah"


Hargaysa (HWN) Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa tacsi udiray ilaahay naxariistii janno hasiiyee Marxuum Haybe Axmed Yuusuf oo ku geeriyooday shil gaadhi oo ka dhacay Berbera.

 

"Alle ha u naxariisto Marxuum Haybe Axmed Yuusuf oo ku geeryooday shil baabuur oo uu ku galay aagga magaalada Berbera. Geeridan naxdinta leh waxa aan uga tacsiyaynayaa dhammaan qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta iyo guud ahaan Qaranka. Marxuumku wuxu ahaa shakhsi samadoon ah oo jecel dadkiisa iyo dalkiisa.

 

Waxa aan Ilaahay uga baryayaa Marxuumka dambidhaaf iyo naxariis waasac ah, waxaanan u weydiinaynnaa inuu ka abaaliyo wanaaggii iyo samihii uu ummaddiisa u galay. Si gaar ah, dhammaan ehelka iyo qaraabadana waxa aan Ilaahay ugu weydinayaa Sabir iyo Iimaan saadiq ah.

     
Loading...