Bisha Ramadan waa bisha
soonka, cibaadada, Alle u dhowaanshaha, inuu qofku iska daayo waxyaabo badan oo
raaxo uu u arkayay, iyo beekhaaminta cuntada. Si kastaba, dunida Carabta ayay
ka noqotay bisha israafka cuntada.
Inkastoo diinta
Islaamka ay ku boorrineyso Muslimiinta inaysanba israaf sameyn, gaar ahaanna
bisha Ramadan, dhaqamo ka jira dalalka Carabta qaarkood ayaa ah kuwo caksi ku
ah dhaqanakn.
Kala duwanaanshahan
ayaa u muuqata inay daaran tahay dhanka cuntada faraha badan ee la daadiyo
xilliga Ramadaanka.
Miiska cuntada lagu afurayo
ee qoysas badan oo Carab ah auaa waxaa ka buuxa cuntooyin kala duwan, balse
marka ay dadka sooman dhammeystaan cunto cunidda, in badan oo cuntadaas ka mid
ah ayaa lagu daadiyaa khashinka.
Inkastoo xaaladda
dhaqaale ay ka sii dareyso dalalka qaar ee Carabta, qaar badan ma aysan iska
deyn caadadooda wax iibsashada Ramadaanka, taasoo keeneysa in cuntada la
daadiyo.
Sida uu dhigayo
sharciga iibka iyo dalabaadka, iibsashada xaddi badan oo cunto ah muddo gaaban
gudaheed, waxay horseeddaa in la kordhiyo qiimaha, taaoso dadka saboolka ah u
sababeysa inay iibsna waayaan. Qoysas badan oo ladan kama faa’iidaan cuntada ay
soo iibsadeen sababtoo ah ma dhammeyn karaan, sidaas darteedna way daadinayaan.
Warbixin uu soo saaray
Ururka Cunnada iyo Beeraha Qaramada Midoobay ee (FAO) waxaa lagu sheegay in
yareynta cunnada la daadiyo ay muhiim u tahay haqab-beelka cuntada.
Warbixinta FAO ayaa
lagu sheegay in dalalka Carabto ay intooda badan soo dhoofsadaan cuntada sidaas
oo ay tahayna ay daadiyaan cuntada.
Warbixintan oo sanadkii
2021 la soo saaray waxaa sidoo kale lagu sheegay in "inta u dhaxeysa
boqolkiiba 25 iyo 50 cuntada lagu diyaariyo miiska afurka Ramadaanka ee dalalka
Carabta la daadiyo oo aan la cunin.”
Dadaallada lagu
yareynayo cuntada soo harta xilligga Ramadaanka
Cuntooyinka hambada ah
ee la iska daadiyo iyo khashinka kale ayaa caqabad ku noqday Sacuudiga xilliga
bisha Ramadaan xilli boqortooyada Sucuudiga ay bilowday olole lagu yareynayo
khashinkaas, waxaana sanadkii dalkan uga baxa wax ka qabashada khashinka 40
bilyan oo lacagta Riyaalka ah.
Barnaamijkan oo
dowladda Sacuudigu ugu magac dartay "ilaa meesha ugu dambeysa” waxaa looga gool
leeyahay yareynta iyo khashinka si loo muujiyo qiimaha ay leedahay in aan lag u
tarkifalin cuntada xilligga bishan barakeysan ee Ramadaan.
Wasiirka deegaanka iyo
beeraha ee Sacuudiga, Cabdul Raxmaan Al-Fadhli ayaa bartiisa kusoo qoray
sidatan: "Khashinka faraha badan gaar ahaan cuntada soo harta waxay caqabad
weyn oo dhanka dhaqaalaha, caafimaadka iyo deegaanka ku heysa Sucuudiga ,
taasoo u baahan in dhammaanteen aan ka shaqeyno sidii aan qaabka ugu waanagsan
ugu adeegsan laheyn kheyraadkeenna anigoo inta baahideenna ah isticmaaleyno si
aan isaga ilaalinno takri falka dhanka cuntada”.
Dalalka Carabta sida
Imaaraatka iyo Tunisia waxay wadaan olole ay shacabka uga wacyigelinayaan ka
hortagga qashinka ka dhasha hambada iyo cuntada soo harta bisha Ramadaan
af-furka iyo saxuurta kadib.
Tusaale ahaan dalka
Masar, hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan cuntada ee FAO waxay sheegtay in
sanadkii Masar ay khasaariso cuntooyinka muhiimka ah oo khashin isu baddala
gaar ahaan boqolkiiba 50 khudaarta iyo miraha Masar, boqolkiiba 40 kalluunka
halka boqolkiiba 30 ay caanaha yihiin.
Qaabka ugu fudud ee
lagu yareyn karo cuntooyinka soo hara ee khashinka lagu daro
Khuburrada qaabilsan
cuntooyinka ayaa soo jeediyay tallaabooyinka ugu muhiimsan ee la isaga ilaalin
karo in cuntooyinka khashinka lagu daro xilliga Ramadaanka.
Waxaa muhiim in qofka
uu diyaariyo liiska raashiinka uu soo adeeganayo iyadoo uu eegayo cuntada loogu
isticmaal badan xilligga Ramadaan si la isaga ilaaliyo in cuntada qaar la
daadiyo.
Qofka waa in maalin
kasta soo adeegtaa waxa uu u baahan yahay tusaale ahaan khudaarta iyo miraha
maalin kasta ayaa la adeegsadaa, wey hallaabi karaan haddii maalmo dhowr ah ay
kuu yaallaan.
Khuburrada waxay sidoo
kale ku talinayaan in cuntooyinka sida hilibka aysan gaarin maalinta xigta.
Qofka waa in cunto ku
filan dadka sooman ee af-furaya uu kariyaa baddalkii uu karin cuntooyin kala
duwan oo fara badan oo xitaa ay dhici weyso in dadka ay dhammeystaan.
BBC