Sheeko cibro qaadasho leh.

Sunday March 19, 2023 - 10:25:18
Hadhwanaag
Muddo ka dib eygii baa yimid dedna hortiisa ayuu dhigay cunto


Waxaa jiray nin dhalinyaro ah oo ka shaqeeya shirkad shidaal oo cidlada saxara ah ku taalay, hooyadiisna waxay ahayd bukaan lanool cudurka kansarka oo aan laga bogsan karin, sida dhakhaatiirtu sheegeen intii ay ku jirtay cisbitaalka iyada oo geerida sugaysa, maalin maalmaha ka mid ah ninkii dhalinyarada ahaa ayaa u diyaar garoobay inuu shaqada ka ra waxo. markuu rawaxay ayaa isagoo cidlada saxara ah socda wuxuu arkay eey ooman o harraad ba'ani ka muuqdo wuxuu watay dhalo biyo ah wuuna ka waraabiyay Eygii Eygii oo biyihii cabaya ayuu ka tagay, wuxuuna tagay gurigisi

maalintii ku xigtayna wuxuu soo qaaday xoogaa cunto ah iyo biyo si uu hadii markale la kulmo eeyga usiiyo dedna wuxuu soo gaadhay goobtii uu shalay eyga ku warabiyay dedna wuu fadhiistay isla goobtii nusa saac
Kadibna Wuxuu arkay mas soo socda oo biyaha fiirinaya, markaasuu biyihii hor dhigay wuuna ka dhaqaaqay isagoo ka baqaya abeesada, maskiina wuu cabay biyihii ka dibna wuu iska tagay goobtii.

Muddo ka dib eygii baa yimid dedna hortiisa ayuu dhigay cunto iyo cabitaan, wuuna cunay oo cabbay, ka dibna wuu iska tegey, markaa ninkii dhallinyarada ahaa wuu ku farxay arrintaas oo wuxuu go'aansaday inuu sidaa yeelo maalin kasta ilaahay dartiis, u warabiyo dedna maalinba maalinta ka dambaysa tiradii xayawanka usoo biya doonta way badateen, markaa waxay noqdeen eey iyo xoogaa bisado ah, sidaa darteed ninkii dhalinyarada ahaa wuxuu ku soo qaday weel weyn biyihii ,

 shimbiraha qaar sidoo kale waxay goobta u yimaadeen inay wax cabbaan, kana cunaan , dedna intuu xaalada ku jiray, wuxuu xusuustaa hooyadiis oo buktay, markaasuu maalin malnaha kamida madaxiisa cirka kor u taagay oo yidhi, "Allahayow, hooyaday bogsii, , ka dib wuu kacay tagay, maalintii ku xigtayna ayaa isoo xayawankii waraabinaya wuxuu maqlay dhawaqa taleefankiisa, dedna wuu qabtay , saa cida soo wacaysaaba waa dhakhtarkii cisbitaalka ay hooyadiis taalay dedna dhakhtarkii ayaa ku yidhi, Kaalay hada waan ku doonaynaa sidaas darteed markiiba telefoonkii buu dhigay oo fasax ka codsaday shaqadiisa isla markaana degdeg ugu cararay cisbitaalka, wadada intuu sii socday indhihiis

Waxaa ka socday ilmo isagoo u malaynaya inay hooyadiis dhimatay markii uu galay qolkeeda isbitaalka, wuxuu helay hooyadiisi xanuunsanaysay iyada oo cagaheeda ku taagan oo shandadeeda diyaarinaysa. inay ka baxo isbitaalka, dedna dhaqtarki ayu u yedhay oo uu waydiiyo waxa dhacay wuxuu u sheegay wax yaab leh oo dhacay, hooyadaa ayaada oo huruday Shalay, unbay soo toostay ayadoo fay ah oo ay i soo wacday oo ay igu tidhi waxaan dareemayaa fiicnaan waxayna dooneysaa inay ka baxdo isbitaalka,waaxaana mariyay baaritaanadii wayna bogsatay oo xataa jidhkeedii, ma aananka helin raadadkii cudurka, halista ahaa ee kansarka ahaa.

marka wiilkii wuxuu u tagay hooyadiis oo uu
Ka dhunkaday wajiga iyo laabda gacmood isaga oo ay ka socoto ilmi farxad darteed.
hooyadina waxay ku tidhi hooyo Shalay waxan arkay arin layaab leh, aniga oo hurda, kadib waxaan riyo ku arkay adiga oo madaxa iyo labda gacmood kor u qaadaya , oo aad aniga, ii ducaynayso hareerahaagana eey, bisado, masas, iyo shimbiro, ay leeyihiin Aammiin, markaasuu wiilkii wuu ooyay oo yidhi, Waan ogahay in Ilaah wax walba karo awoodo.

"Haddii aad dhammeyso aqrinta, fadlan ha noqon caajis, aan ku salino xabiibkeenii ina jeclaa ee muxamad scw. Nagu soo biir.

Lawadaag walalaaladaa #sher garee inshalah
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...