Neom waxa la dhahaa waa magalada mustaqbalka waxa laga hawl galiyay magaladan jiilka technologiyada ugu dambeeyay ee report yada taxiyada dadku raacan oo iyaguna duulaya xataa waxa ay leedahay dayax gacmeed macmal ah.
Meel walbana waxa laga hirgaliyay technologyiyad casri ah oo aan wax wasakh ah ku sii daynayn hawada sare si aanu u dhicin isbadalka cimilada ee laga qayliyay dunida dhawanahan.
Hadaba magaaladani xagay ku talaa?
Magaladani waxa ay ku talaa dalka barakaysan ee sucuudiga gaar ahaan waqooyi galbeed gobolka ku yaal xeebta ee lagu magacaabo tabuuk waxa ay ku fadhidaa dhul dhan 26, 500km square, dawlada sacuudiga waxay mar hore u qorsheesay lacag dhan 500 Billion oo doller si loo dhamaystiro mustaqbalka mashruuca magaladan cajiib ka ah , waxay soo jiidatay maal gashayadaasha ugu wayn uguna horeeya dunida.
Hadaba waa maxay magaca Neom oo muxuu u tagan yahay?
Erayga NEOM waxa uu ka yimi laba eray oo laysku daray oo kala ah "NEO” IYO M , "NEO” waa eray greec ah oo micnihiisu yahay cusayb , halka erayga "M” ay kasoo qateen erayga mustaqbal af carabi ahaan kaas o ka dhigan marka laysku daro labada eray waa "mustaq balka cusub” waana qorshaha iyo hiigsiga dawladda sucuudiga ee sanadka 2030 ka.
Hindisahini waxa uu yimi ka dib shirkii maal gashiga ee sucuudiga ee uu hogaminayay MBS sanadkii 2017 kaas oo uu rabay sucuudiga in la sameeyo ila dhaqaale oo aan ahayn ka saliida oo la yareeyo ku tiirsanaanta shidaal ka.
Sida la qorsheenayo waxaa la rabaa magalada inay dhamaystiranto sanada 2025 ka, waxyabaha cajiib ka ah ee magaladani wadato waxaa ka mid ah in aysan lahayn wax wado ah gawaadhidu waxay ka dhigan tahay adeeg walba oo aad u bahan tahay waxaad ka halaysaa 5 daqiiqo oo socdaal ah , halka magaladan cidhif ilaa cidhif aad ku soo wada gaadhi karto 20 daqiiqo oo kaliya ,
waxaana kaliya la adaygsada machine aqoon sanaya wajigaaga waxa ay leedahay hal wado oo kaliya lana dhaho wadada suuqa oo dharar keeduna dhan yahay 170km , sida kale magalaani waxay isku xidhaysa isu socod ka caalamka gaar ahaan masar iyo Jordan , waxaa la qorshenaya in buundo la saaro xeebta bada cas ee magaladani ku taalo si 40% in ka badan caalam ku ay ku soo gadhaan in ka yar 4 sacadood taas oo ah strategy ahaan ku talaa meel u dhaxaysa Africa , Europe iyo asia waxaa laga furay oo wakhti xaadar kan shaqeenaya airport ka NEOM oo ah mid casriya l
oo dhisay waxyabaha kale ee cajiibka ah ay magaladani wadato waxa ka mid ah dayax gacmeed macmal ah oo habeen walba dul hee haaba ya magalada , waxa kale oo ka mid ah waxyabaha cajiib ka ah magaladani roobab macmal ah si loo helo roob ku filan magalada waa goob loogu tala galay in ay soo jidato dal xisayaal aad u badan sido kalana lagu qabto tartanada kala duwan ee sports ka iyo games ka iyo artificial intelligence ka ah si loogu ciyaaro magaladan.
Gabi ahaan mashruuca NEOM waxa uu abuuraya fursado shaqo oo gadhaya 380,000 oo shaqo waxa laga heli doona cusbitaalo bixinaya adeega ugu sareya ee caafimaad , sido kale waxbarasho sare oo tayo leh oo ay bixinayaan dad gaar ah NEOM waxay 1000km u jirtaa dhulka barakaysan ee maka iyo madiina.
Mashruucan waxa uu bara bixiyay dad gaadhaya 20 kun oo qof oo dadkii degaan ka ahaa in kasta oo ay diidmo adag kala horymadeen maamulka boqortoyada sucuudiga.
Ugu dambayn goorman halkan gadhaynaa waa mash ruuc hor leh oo indho fur iyo maan fur inoo noqon doona insha allah kaas o ina baraa rujin doona.
ILAAHAY ayaa mahad leh
Contact:
Gmail: [email protected]
Twitter: https://twitter.com/PoliticianAdam
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!