Dagaalka u dhexeeya ciidanka deegaanka iyo
millateriga Somaliland ee ka socda magaalada Laascaanood ayaa galay maalintii
lixaad iyadoo dadka magaalada ay ku waabariisteen dhawaqa hubka kala duwan
ee la’isku adeegsanayo.
Dagaalka ayaa saaka weli ka socda bannaanka
magaalada iyadoo la soo sheegayo khasaare ka dhashay.
Weli si rasmi ah looma xaqiijin karo khasaaraha
rasmiga ee ka dhashay dagaalka maaddaama uu socdo saacado kooban.
Xukuumadda Somaliland ayaa maalin kahor shaacisay in
ay diyaar u tahay xabbad joojin aysan shuruudi ku xirnayn iyadoo dhinaca kale
ugu baaqday mid taa lamida.
Labada dhinac ayaa midba midka kale ku eedeeyay in
dagaalka uu soo qaaday subaxnimadii shalay.