Hargaysa (HWN) Xukuumadda
Somaliland ayaa shaacisay in ay diyaar u tahay wadahadal kasta si xal loogu
helo xaaladda cakiran ee ka taagan Laascaanood ee isku badashay dagaalka.
War-saxaafadeed Luuqadda Ingiriisaga ku qoran oo xukuumadu shaaciyay ayaa lagu sheegay in xukuunaddu
horeba u ogoleyd wadahadal si looga fogaado dhiig daata iyo khasaare shacabka
gaadha.
Qoraalka ayaa sidoo
kale lagu sheegay in Wafdi ku sugan yihiin Laascaanood si arrinta waan waan
loogu dhammeeyo balse saaka la soo weeraray goobtii ay degganaayeen sida
qoraalka ku xusan.
Laascaanood dagaalkii
saaka ka bilowday ayaa gabal dhicii soo gaadhay iyadoo dagaalku sababay
khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawacba inkastoona tirade dhimashada iyo dhaawaca
toona an lahayn.