Laacibka xulka
Argentina Lionel Messi ayaa bareejeeyay goolashii uu Diego Maradona u dhaliyay
xulka Argentina Koobka Adduunka sabtidii iyo sidoo kale kulamadii uu ka saftay
koobkaas, laakiin xiddiga number-ka 10-aad ee Messi waxa uu ogyahay in kaliya
ku guulaysiga koobkan uu ku kasban karo jacayl la mid ah kan Maradona ay u
hayaan taageereyaasha Argentina.
Maradona ayaa koobka
Adduunka ku guuleystay sanadkii 1986, isaga oo muujiyay dadaal kaligiis β Messi
ayaa si aad ad u doonayaa in uu sidoo kale koobkan qaado isku daygiisii
shanaad, ahna kii ugu dambeeyay.
Kabtankan, 35-jirka ah,
ayaa hubaal ah inuu qeybtiisa ka soo qaatay ciyaaraha ka socda Qatar, isagoo
dhaliyay labo ka mid ah seddexda gool ee Argentina dhalisay ilaa hadda.
Mid ka mid ah waxa uu
ahaa rigoore ceebtii ay 2-1 kala kulmeen Saudi Arabia, midda kale waxa uu ka
dhaliyay ciyaartii ay 2-0 kaga badiyeen Mexico, kaas oo bareejeeyay Maradona
21-kii kulan ee Koobka Adduunka iyo siddeedii gool ee uu dhaliyay.
"Maanta, ayuu Koobka
Adduunku u biloowday Argentina,β Ayuu yiri Messi oo niyad jab uu ka muuqday.
Dadka reer Argentine
ayay inta badan ku adkey in ay Messi ka jeclaadaan Maradona, waxaana la dhihi
karaa, Messi, waxa uu soo maray xirfad ka waxtar badan Maradona, kaas oo
tayadiisa ay aakhirkii hareeyeen dhibaatooyin uu ka mid ahaa maandooriyaha.
Messi waa ciyaaryahanka
ugu goolasha badan taariikhda xulka Argentina, isagoo ku hogaamiyay inay ku
guuleystaan Copa America sanadkii hore, islamarkaana ku guuleystay abaal
marinta Ballon dβOr toddoba jeer.
Naadigiisii βhore
ee Barcelona, wuxuu u dhaliyay 672 gool, isaga oo la qaaday 35 koob, oo ay ku
jiraan 10 horyaalka Spain ee La Liga iyo afar Champions League, kahor inta aanu
sanadkii hore u wareegin kooxda Paris Saint-Germain.
VOA