Sidii ay ku timid weedha ' Habarjecloy Kabo Tolo.'

Saturday May 10, 2025 - 18:43:24
hadhwanaagnews
Cabdi Aadan oo lagu naanaysi jiray Cabdi-jiir

Deegaanka Beer oo Burco bari ka xiga, ayaa waxa ku shiray Sayida iyo Beesha Habarjeclo. Waxgaradkii iyo qoorweyntii Habarjeco ayuu Sayidku ku amray inay dariiqada Saalixiyada qaataan. Waxgaradkii Habarjeco ayaa Sayidka weydiiyey sidii Saalixiya loo noqdaa? Wuxuu ugu jawaabay, waxaad tidhaahaan, Laa ilaah illallaahu, Muxammadu Rasuululaahi, fii kulli lamxatin wa nafasin, cadada maa waasica cilmullaah.

Cabdi Aadan oo lagu naanaysi jiray Cabdi-jiir ayaa ugu jawaabay, " laa' ilaaha ilalaah Maxamed Rasuulalaah, waanu garannay, laakiin lamax-lamaxda iyo nafastaa dambe Habarjeclo way ka soo tashanaysaa. Waxgaradkii reerku markuu shiray, waxa ay u arkeen diintii oo wax lagu darsaday. Cabdi-jiir ayaa shirkii ka dhex yidhi kelmadda caan baxday ee" Habarjecloy kabo tolo" oo micnaheedu yahay buuraha gala. Sidaasi ayey Daraawiishtii kaga firxadeen.

W/Q: Cali Cabdi Coomay
[email protected]
Tixraac: Hortay Jire....Abwaan Axmed Aw Geeddi iyo Maxamuud Cabdirisaaq.
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...