Waxaa laga yaabaa inaad
ka mid tahay dadka ilkaha cadeyda subaxdii marka ay cabaan koob qaxwe ah. Ama
dadka ka hor mariya cadeyga.
Labada si kii ay
ahaataba, su’aashu waxay tahay: Sidee ugu fiican in looga hor tago af urka: ma
in ilkaha la cadeydo isla marka hurdada laga soo tooso mise marka la cuno
raashinka ugu horreeya?
Khubaradu waxa ay
aaminsan yihiin in cadeyga uu wanaagsan yahay marka wax la cuno ama qaxwe la
cabbo ka dib, gaar ahaan nus saac ka dib marka la dhammesto.
Su’aal kale ayaa ah:
waa kee qaabka ugu fiican ee looga hor tago isbaddalka midabka ilkaha ee isu
beddela casaanka, kaasoo ay keenaan cabitaanno ay ku jirto qaxwada?
Qaxwadu marka ay afka
gasho waxay si toos ah u abbaartaa ilkaha.
Waxa ay leedahay maaddooyin
abuura huurada oo si deg deg ah u beddela midabka ilkaha.
Waxaa xusid mudan in ay
jiraan labo nooc oo midabka ilkaha ah. Mid waa waxa aan u garaneyno dabarka oo
qofka uusan iska bixin karin, ama uu ku dhasho.
Nooca labaadna waa mid
ku imaada cabitaannada iyo cuntooyinka oo ilkaha ku daboola midab aysan asal u
lahayn.
Haddaba noocan labaad
ayaa aad ugu badan dadka. Waa wax ilkaha dushooda saaran oo ka imaan kara
qaxwada, shaaha, cabitaannada fudud iyo qeybo ka mid ah raashinka iyo
khudaarta.
"Cabitaannada u uku
jiro coffee-ga waxay leeyihiin midab, casaan ah, sidaas darteed waxa ay ilkaha
u caseeyaan si la mid ah sida ay dharka u caseeyaan,” ayuu BBC-da ku yiri Emily
Anderson, oo ah dhakhtar daandiiste ah oo ka howl gala Mareykanka.
Hase ahaatee, qaxwada
ma aha waxa ugu daran ee ilkaha ka beddela midabka.
"Qaxwadu ma
sameyso huurdo u badan sida tan ay sameeyaan khamriga cas iyo noocyo ka mid ah
shaaha,” ayuu yiri André Reis, oo ah barfasoor ka tirsan Jaamacadda Florida.
Sidee looga hortagi
karaa huurada ilkaha beddesha?
Bakteeriya ka dhalata
raashinka iyo cabitaannada qaar ayaa ku harta afka iyo ilkaha dhexdooda, taasoo
keenta in midabka iyo urkuba ay isbeddelaan.
"Bakteeriyadan waxa ay
jeceshahay in ay cunto sokorta ku harta afkaaga, marka ay sidaas sameysana,
waxay sii deyneysaa aashito, sidaas darteedna aashiyadaas ayaa weerareysa
ilkahaaga,” ayuu yiri Anderson.
Marka aad isticmaasho
cabitaannada uu ka mid yahay coffee-ga, "waxaad arkeysaa huuro ku jirta ilkaha
ama cirridka salkiisa, sababtoo ah halkaas ayey huurada ka billaabataa,” ayuu
yiri khabiirka.
Isdhexgalka cuntada iyo
calyada ayaa sababa midabeynta, wayna sii adkeeyaan mar walba.
Inta badan wasakhda ilkaha
dhex gasha waxaa habboon in lagu bixiyo qalabka dhakhtarta ilkaha, waxaana
habboon in sanadkiiba labo jeer aad tagto xafiiska daandiistaha.
Haddii aadan rabin in
aad u tagto daandiistaha, waxaad isticmaali kartaa maaddooyinka ilkaha lagu
caddeeyo, sida "carbamide peroxide” ama "hydrogen peroxide”. Balse hubi in u
uku hago qof aqoon u leh, sababtoo ah haddii aad si khaldan u isticmaasho waxaa
laga yaabaa in aad xaaladda uga sii darto.
Jawaabta ay leedahay
su’aasha ku saabsan sababta ay ilkaha u yeeshaan huuro baddasha midabkooda inta
badan wey iska caddahay.
"Dadka badankood,
isbeddelka ilkaha wuxuu ugu dhacaa sabab la xiriirta in aysan si fiican u
cadeysan, haddiiba ay cadeystaan,” ayuu yiri Anderson oo sharraxay arrintaas.
Sidaas awgeed, in si
fiican loo cadeydo ayaa lagu taliyay, taasoo ah in si habboon cadeyga loogu
rugo ilkaha iyo cirridka hoostiisa.
Khubaradu waxa ay ku
taliyeen in maalintiiba la cadeydo ugu yaraan labo jeer. Muhiim ma aha in la
xoojiyo cadeyga oo la isku dayo in lagu bixiyo wasakhda, waayo waxay taasi
dhaawici kartaa cirridka.
Waddamada qaar, sida
Brazil, waxay dhakhaatiirtooda ku taliyaan in qofku uu maalintii cadeysto ugu
yaraan saddex jeer.
Marka laga hadlayo
qadada iyo cashada, wey iska caddahay in la cadayanayo cuntada ka dib. Balse
xilliga quraacda, waa lagu kala duwan yahay. Dadka qaar waxay cadeydaan cuntada
ka hor, qaarna ka dib.
Hase yeeshee, Anderson
iyo Reis labaduba waxa ay isku raaceen in cadeygu u uku habboon yahay quraacda
ka dib.
"Haddii aad xeeladdaas
adeegsatid muddo dheer ilkahaagu isma beddelayaan,” ayuu yiri Reis.
BBC