1. Waxqabadkaagu haka bato dadka kale. Markasta talaabo ka horee dadka kale. Waxaad noqon doonta qof dadaal lagu xasuusto.
2. Dhagaysigaaga iyo dulqaadkaagu haka bataan dadka kale. Qof kasta sii fursad uu kuugu sheego waxa uu doonayo. Hadalka haka dhex-gelin ilaa uu dhameeyo. Midna ogow ha u dhagaysan si aad markaaga u hadasho, ee u dhagayso si aad u fahamto waxa laguu sheegayo.
3. Dabeecadahaagu haka wanaagsanaadaan dadka kale. Ku qaabil qof kasta weji furan. U qosol midka u baahan innaad la faraxdo. Qof kasta xaalada uu ku sugan yahay kula dhaqan, oo kula joog.
4. Hadalkaagu ha koobnaado adigoo aan ka tagayn micnaha iyo nuxurka hadalkaaga. Ka hadal kaliya dantaada iyo waxa muhiimka kuu ah, ka dibna u banee qofka kale hadalka. Waxaad dadka kale macalin ugu noqon doontaa sida loo dhagaysto dadka kale.
5. Noqo qof la aamini karo. Wax kasta oo lagula wadaago, ha kusii aaminin qof kale adiguna. Wax kasta oo lagugu aamino qasab maaha innaad cid kale kala sheekaysato. Sidaad u jeceshahay in waxyaabaha gaarka kuu ah laguugu ilaaliyo, adiguna u ilaali xogaha gaarka ah ee dadka kale.
Ugu dambayn,
i aamin, haddii dabeecadahan lagaa helo waxaad noloshaada ku arki doontaa isbaddel togan insha allah.
Ha iloobin innaad la wadaagto asxaabtaada.
Waxa qoray Maxamed Faysal Cali
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!