Qaadashada wax ka badan xaddiga maalinlaha ah ee kiniinnada antioxidants loo yaqaanno ma wax loo baahan yahay. Laakiin ka warran fiitamiinada kale? Mid ka fiitamiinnada yar yar ee uu qof kastaa u baahan yahay waa fitamiin D, oo ah unug muhiim u ah dhisidda iyo ilaalinta lafaha caafimaadka qofka.
Jidhka aadanuhu wuxuu u baahan yahay ilayska fallaadhaha qorraxda.
Laakiin inta badan ma helno iftiinka qorraxda oo innagu filan kuwaasi oo jidhkeenna ka caawiya in uu hesho vitamin D ku filan.
Mid ka mid ah daraasadaha ugu muhiimsan ee lagu eegayo faa'iidada fitamiin D waxa ka mid ah cilmibaadhis lagu sameeyay in ka badan 25,000 oo qof oo qaangaadh ah oo ku nool dalka Maraykan ah. Waxa lagu ogaaday in qaadashada maalinlaha ah ee xaddi habboon oo fitamiin D ama omega-3 fatty acids ay hoos u dhigtay khatarta ah in uu qofka ku dhaco kansarka, cudurrada wadnaha, iyo istaroogga ee dadka aan taariikhda hore u lahayn cudurradan.