Qoraal kooban oo aan kaga hadlayo Taaariikhda Dahabiga ah Guddomiyihii hore Doorashooyinka Qaranka Somaliland Eng C/Rashiid Riyo-Raac.

Friday October 14, 2022 - 14:28:50
hadhwanaag
Qalinkii Dr Abdi Aziiz Hussein Atom


        

                                                                             

Waxan Rabaa inan wax yar ka idhahado Gudomiyihi Hore komoshinka Doroshoyinka Qaranka S/land Eng Abdirashid Ali  oo indhawayd aan arkayey Dad Aflagaado iyo Cay iskugu daraya      Ex Gudomiye C/Rashiid waxa uu ahaa Masuul iyo Oday Qaran oo waayo arag, Khibrad Hogamineed iyo mid Maamul-ba isku darsaday.

Waxa uu wadankan soo Hogamiyey Xiliyo adag oo nin ka bixi karaa uu yar yahay dhexdhexaadnimadii laga rabey mid ka wanaagsan uu la yimi laa markii uu ahaa ■Wasiiru-Dawalaha Wasaaradda Xanaannada Xoolaha JSL oo ahyd waqtigii Abaarti (Sima) la odhan jiray dhacday 2017 Wuxu ahaa Ninkii Dhexda u xidhay  Siduu Dageenadda Somaliland wax ula qabto, Haday Cunto iyo Biyo noqotaa.

 Aan Malin qudha  Ka dhex, bixin Deeganadda abaartana ka dhacday oo uu  Dhib iyo dheef-ba La qayb sanayey  wax uu Hirgaliyey Schoolka Boarding ah ee ay dhigtan Caruurtada Agoonta ah ee Daganka Waddamo-goo iyo Deegamadda ku xeeran, Sido kale Waxa uu Daganka Degmadda  Wadam-goo Ugu Deeqay Dhulkii uu Xaqa u,lahaa  Sii looga Dhiso Mashruuc Baladhan Oo dadka iyo Deegankaba anfacaya kaas oo ay fulineysay Hay'adda  Unique Vission oo kaa shanaysa Hay'adda FAO.

Waxa kale oo uu qayb weyn ka ahaa Waddada isku xidha Qori-Lugud ilaa Wadaama-goo oo uu meel fiican soo gaadhsiiyay Daganka Kawado,

 ■Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL  Wuxu Dalka Uhorseday  Sharaf iyo Magac iyo Maamus leh waxa uu qabtay Labo Doorosho oo Nooceedu ku cusub yahay Wadanka iyo Mandaqadda Geeska culeyskoodana lahaa.

Ex Gudoomiye Eng Abdirshid oo ay Galadu u taqano (Zero Stress) Zero Stress waxa loogu bixiyey Marku doorosho cadaalad ah qabtay ayuu kalsooni Suuqa iskaga Dhex lugeeyey                       ■ Eng C/Rashiid waa qof Madaxtinimo iyo Cadalada lagaga Dayankaro.                                        ●Waxa uu ahaa Gudomiyihi qabtay Doorashadii Abid Soomarata Somalind  Ee ugu Musuq Maasuqa yareed.

Waxa xusid doonta Taarikhada  oo uu Baal Dahab ah Ka galay Somaliland iyo Geeska Afrikaba,                                                                   ■Waxaan Bogaadinaya Xulashadii Madax Weyne Muuse Bixi Iyo Go,aankisi Geesinimada Lahaa ee uu ka qaatay Biyo-diidkii Xisbiyadda Mucaradku  Kamuujiyeen Xulashadii Eng G.C/Rashiid oo Xisbiyadii markii hore diidan ay markii dambe mahadiyeen.

■Waxaana Muuqatay Tayadda Eng C/Rashiid ee madaxweyne Muuse ku doortay kuna Ogaa. Iminka taasu ku dooranaya Ex G.C/Rashiid Riyo-Raac tayadisa Iyo Aqoontis eee Waxaan leeyahay Dadkan Hadalaya  ee Wax iska Qoraya  Madax Weyne Muuse biixi wuu yaqaana G. Riyo-Rraac wuxuu Dadka iyo Dalkaba u qabanayo.

Wuuna so tijaabiyey kartidiisa Aqoontiisa Waayo aragnimadiisa Daacadnimadiisa Iyo Maamul wanaagiisa, Xaasha Cay iyo Af-Xumo mid iyo laba qof meelaha la fadhiyaan, Sababtoo ah waa nin Qaranka Somaliland Mucaarid iyo Muxaafid-ba mahadiyeen.

Alla Mahad leh

Qalinkii Dr Abdi Aziiz Hussein Atom

Hargeysa Somaliland.

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...