Salka Xogta Xiddiginta Somaalida, Gorfayta Qaybtii Afraad

Tuesday July 19, 2022 - 09:54:03
Hadhwanaagtv
W.Q Khaalid Ibrahim Dhucda

4- Bisha waabaris

Bisha waabaris aan yara iftiimiyo ama aan idiin tilmaamo goorta ay tahay ama dhacdo, waabaris waa bisha sideed ee sanadka kana horaysa bisha (Soon) marka laga eego xagga reer guuraaga, marka aynu ka eegno ama sida aad u garan og tahay waa bisha (Shabcaan) ee ka horaysa bisha (Ramadaan), madaama sanadka islaamka iyo keena reer guuraagu isku meel ka tirsadaan oo ah dayaxa habeenkii.


Bishan Waa halbeega afraad ee ay isticmaali jireen reer guuraagu marka ay ku guda jiraan cilmiga xiddigiska somaalida.


Hadaba bil dayaxeeda somaalida ee waabaris marmarka qaarkood waxay ku dhamaataa 30 habeen, marmarka qaarkoodna waxay ku dhamaataa 29 habeeen, hadaba habeenka ay ku dhamaato 30 waxa loo yaqaanaa (Qun-Dhalad) halka habeenka ay ku dhamaato 29 loo yaqaan (Toomman-Dhalad).


Hadaba hoodadu ama wanaag filashada sanadku waxay ku xidhantay ama reer guuraagu aaminsanyahay inay bisha waabaris ku dhamaato Qun-Dhalad oo ah 30 habeen, hadii se ay ku dhamaato bishu Tomman-Dhalad oo ah 29 habeen waxa ay aaminsan yihiin reer guuraagu inuu sanadkan filshadiisu fiicnayn ama wax fiican kasoo socon, waxaana ay ku timaameen odhaahdan


" Xiddig habartii waa waabaris, waxay ku bilaamataba

  Ama waysha qala ku odhan, way tabaaq dhigiyee

  Ama weelka culo bay ayay ku odhan wac iyo aabi."


Hadii ay bishu ku dhamaato 29 waxa dhici jirtay caaano yaraan, hadii se ay ku dhamaato 30 waxa dhici jiray caano badnaan, tasoo  ku tusaysa inay wakhti barwaaqo bilaw yahay.


Waxa kale oo bisha waabaris sal u ahayd xiddiginteedu dadka beeralayda ah qaarkoood ama gobolada beerashada leh.


....La soco qaybaha danbe....

F_G xiddigisku waa cilmi inaga sii dabar go'aya, ee

inaad aaminto iyo in kale waa adiga mid kuu taala.

W.Q Khaalid Ibrahim Dhucda

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...