Maxay Tahay Xogta Dhakhtarka Wayn Ee Hargaysi Beeniyay Ee Shacabku Ka Naxay?

Tuesday March 26, 2024 - 10:23:02
hadhwanaag
"Jahawareer bulsho, Nacayb qoomiyadeed iyo dacaayadayn Ganacsi"


Hargaysa (HWN) Hargeisa group Hospital gaar ahaan Qaybteed Keydka Dhiigu waxay Halkan ku beeninaynaa Warar been abuur ah oo lagu baahiyay Baraha Bulshada kuwaasoo lagu sheegay in dhalinyaro gaadhaysa shan qof oo dirawalo ka ah Tagaasida ama Caba Bunka Ethiopianka laga helay Xanuunka HIV-AIDSka. Mudo 17 sanno Maanu arag 5 qof oo HIV qaba oo laga wada helay Halmar.


Waxaanu bulshada uga digaynaa inay iska ilaaliyaan  Dadka Bulshada la wadaagaya Waxaanay Xog (data) ka hayn ama aanay Cilmi u lahayn taasoo sababaysa Jahawareer bulsho, Nacayb qoomiyadeed iyo dacaayadayn Ganacsi.


waxa xusid mudan in xogtan uu beeniyay Hargeisa group Hospital  uu shaaciyay askari ka tirsan ciidanka Booliska Somaliland.
     
Loading...