Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay waxaa ka socota doorashada kuraas kamid ah golaha Shacabka, waxaana goordhow la doortay kurisgii ugu horreeyay ee doorashada maanta,iyada oo qorsuhu yahay in la doorto ilaa lix kursi.
Kursiga Koowaad ee Hop#099 ee Golaha Shacabka ayaa waxaa maanta ku guuleystay Axmed Madoobe Nuunow oo uu dhalay Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka dowladdii KMG aheyd ee Madoobe Nuunoow Maxamed, wuxuuna helay codad gaaraya 75-cod halka musharaxii la tartamayey Cabdinasir Ibraahim Aadan 25-cod.
Kursiga labaad ee Hop#168 oo uu ku fadhiyay Xasan Macalin Xuseen ayaa waxaa ku guuleysatay Luul Ibraahim Cumar oo heshay 86-cod halka musharaxii la tartamaysay Nasteexo Axmed Nuur ay heshay 15-cod, waxaana kursigaan markii hore sidoo kale loo diiwaangeliyay laba musharrax oo rah ah balse tartanka ay isaga hareen.