Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) Oo Sheegtay In Aan La Dhayalsan Omicron

Friday January 07, 2022 - 08:09:54
Hadhwanaagtv
"Sida noocyadii hore oo kale, Omicron wuxuu isbitaal dhigayaa isla markaana dilayaa dadka"

Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) Oo Sheegtay In Aan La Dhayalsan Omicron

 

Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa ka digay in nooca Omicron ee ka farcamay Covid-19 aan la dhayalsan, isagoo sheegay inuu dilayo dadka adduunka ku nool.


Daraasad dhowaan la sameeyay ayaa muujineysa in Omicron uusan aad u soo ridan dadka marka loo eego noocyadii hore ee Covid.


Balse tirada dadka uu ku dhacay ayaa culeys ku keentay waaxaha caafimaadka, sida uu sheegay madaxa WHO Dr Tedros Adhanom Ghebreyesus.


Isniintii, Mareykanka ayaa diwaangeliyay in ka badan hal milyan oo kiisaska Covid ah 24 saacadood gudahood.

WHO - oo ah hay'adda caafimaadka ee QM - ayaa sheegtay in tirada kiisaska adduunka ay toddobaadkii la soo dhaafay kordheen 71%, iyadoo gudaha Americas ay kordheen 100%. Waxay sheegtay in 90% dadka ugu daran ee xanuunku ku dhacay aysan tallaalneyn.


"Iyadoo Omicron uu u muuqdo mid aan darneyn marka loo barbardhigo Delta, gaar ahaanna kuwa la tallaalay, ayaa taasi waxaysan ka dhigneyn in loo aqoonsado mid fudud," ayuu Dr Tedros ku yiri shir jaraa'id oo uu shalay qabtay.


"Sida noocyadii hore oo kale, Omicron wuxuu isbitaal dhigayaa isla markaana dilayaa dadka.

"Xaqiiqdii, kiisaska tsunami way badan yihiin waana kuwo degdeg badan, taasina waxay culeys saareysaa hannaanka caafimaadka ee guud ahaan dunida."


Omicron waa mid aad u faafa wuuna ku dhici karaa dadka xitaa haddii ay si buuxda u tallaalan yihiin. Si kastaba, tallaalka ayaa weli muhiim u ah inuu kaa difaaco xanuunnada daran ee sababi kara in isbitaal lagu dhigo.


Shalay, UK ayaa diwaan gelisay 179,756 kiisas iyo 231 dhimasho la xiriirta Covid. Tiro isbitaallo ah ayaa sheegya in xaalad xun ay ku jiraan sababo la xiriira shaqaalaha oo ka maqan.


Dhanka kale, tirada isbitaallada ayaa sidoo kale kordhaya. Wasiirka caafimaadka Faransiiska Olivier Veran ayaa toddobaadkan dhexdiisa ka digay in January ay isbitaallada u noqon doonto bil adag.


Wuxuu intaas ku daran in bukaannada Omicronay buux dhaafinayeen sariiraha isbitaallada halka Delta uu cadaadis saarayay qeybaha daryeelka gaarka ah. Faransiiska ayaa shalay diwaan geliyay 261,000 kiisas ah.


Madaxweynaha Serbia, Aleksandar Vucic, ayaa sheegay in hannaanka caafimaadka dalkaas uu haatan saaran yahay cadaadis xooggan. Dalkaasi ayaa shalay diwaan geliyay in ka badan 9,000 oo kiisas ah, sida laga soo xigtay warbaahinta dalkaas.


Dr Tedros ayaa ku celiyay baaqiisa ku aaddan in si weyn loo qeybiyo tallaalka si dalalka saboolka ah looga caawiyo inay tallaalaan bulshooyinkooda.


Wuxuu sheegay in marka la eego hannaanka qeybinta tallaalka ee haatan, 109 dalal ah ayaa ayaan qeyb ka ahaan doonin hiigsiga WHO ee ah 70% dadka ku nool adduunka in la tallaali doono wixii loo gaaro bisha July.


Sanadkii la soo dhaafay, madaxa WHO ayaa sheegay in dunidu ay heysan doonto kuurooyin ku filan oo tallaalka ah wixii loo gaaro 2022 si loo tallaalo dhammaan bulshada qaangaarka ah ee adduunka.


BBC

 

     
Loading...