Xisbiga KULMIYE Oo Xaalad Adag Oo Siyaasadeed Waajahaya Iyo Madaxweyne Biixi Oo Ku Jira Laba Darran Mid Doorro!

Sunday December 05, 2021 - 12:45:33
Xisbiga KULMIYE Oo Xaalad Adag Oo Siyaasadeed Waajahaya Iyo Madaxweyne Biixi Oo Ku Jira Laba Darran Mid Doorro!



Hargeisa(HWN):-Xisbiga tallada haye ee KULMIYE ayaa waajahaya xaalad addag oo siyaasadeed,kaddib markii Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ahna Madaxweyna Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu xididada u siibay siyaasiyiintii tiir- dhexaadka u ahaa Xisbiga,kuwaas oo uu dhaafiyey xayn-daabka Xisbiga,taas oo keentay in Xisbigu uu guul-darro qadhaadh kale kulmo doorashooyinkii isku sidkanaa ee dhammaadkii bishii may ee sannadkan 2021- ka qabsomay dalka,taas oo ahayd mid aanu Xisbiga la kulmin wakhtigii uu hoggaamin jiray Madaxweyne Siilaanyo ee uu muxaafidka iyo mucaaradka ahaa .


Xisbiga KULMIYE ayaa u muuqda inuu siiyaasad ahaan sii liciifaya mar-ba marka ka dambaysay, waxaanu afartii sannadood ee ugu dambeeyey muuqatay in Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ahna Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu si toos ah uga sifeeyey Xisbiga oo uu khadka ka saaray siyaasiyiin laf-dhabar u ahaa Xisbiga,kuwaas oo miisaan siyaasadeed ku leh saaxada siyaasadda Somaliland,isla markaana kamid ahaa raggii hormoodka u ahaa guullihii siyaasadeed ee kale duwanaa ee uu Xisbiga KULMIYE gaadhay cahdigii Madaxweyne Siilaanyo garoomada siyaasadda ku jiray.



Haddaba siyaasiyiin baddan oo KULMIYE ku soo tabcay ayaa arrintaas ka damqaday,kuwaas oo sheegay in Xisbigii KULMIYE ay la soo daristay xaalad addag oo siyaasadeed,isla markaana inta baddan ku eedeeya Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi in isaga uu gacantiisa ku bur-burinayo Xisbiga KULMIYE,halka qaarkood ay qabaa in Xisbigii KULMIYE wuu wakhti hore dhintay oo uu siilaanyo raacay” Anigu Runtaan iska sheegaaye Xisbigaasi Siilaanyo ayuu raacay, Nin xoolihii way is raacaan ma maqli jirtay, way is raaceen.”ayuu yidhi Siyaasi Siciid Cilmi Rooble


Dhanka kalene Siyaasi Siciid Cilmi Rooble oo ka tirsan Xibiga KULMIYE ayaa mar uu ka hadlay guul-darradii KULMIYE kale kulmay doorashooyinkii isku sidkanaa ee Golayaasha Deegaanka iyo Wakiillada ayaa yidhi” Burco ayaan joogay, Burcana Xarunta guud ee Kulmiye ayay ahayd, arrintaasi aad bay dareen ii gelisay Cajiib ah, Xisbiga waxa bud-dhig u ahaa bariga Burco, laakiin wuxuu Xisbigii ku sigtay in Xildhibaanba ka soo bixi waayo, xabad bariga Burco ahiba inay ka soo bixi waydo ayuu ku sigtay.” Ayuu yidhi,


Siyaasigan KULMIYE ka tirsan,ayaa isagu sheegay in Xisbigii uu bad-baado u baahan yahay,isla markaana uu dhimaad ku dhaw-yahay”Xisbigii Kulmiye dhimaad buu ku dhow yahay, haddaan la dabaqabatayn…”ayuu yidhi.


Geesta kalena waxa ka darran xaaladahaa hore ee uu Xisbiga KULMIYE ku jiray xaalada uu hadda waajahayo Xisbiga KULMIYE, taas oo ah kale riixashada iyo loollanka iyo laacdanka Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE,taas oo ay ku hirdamayaan laba siyaasi oo kale ah Wasiir Maxamed Kaahin iyo Xasan Gafaadhi,waxaana si weyn idhaha loogu hayaa tallaabada uu Madaxweyne Biixi qaadayo, taas oo ah laba darran mid doorro,isla markaana lagu macneeyey haddii uu Maxamed Kaahin tageero oo uu ku wareejiyo Xisbiga in Gafaadhi uu ku biirayo siyaasi Maxamuud Xaashi iyo beeshiisa oo bacadka joogta, halka haddii uu Maxamed Kaahin oo ay soo rafiiq ahayeen uu cidla kaga tagana iyana ay keeni karto in uu Mujaahid Maxamed Kaahin uu isna ka haajiro KULMIYE oo xabaal ayaa xigto ka maar-mine uu isna Guddoomiye Xirsi iyo dhankaa WADDANI u ruqaansan doonno.


Gunnaanadkii oodijiidis iyo qaadiswaa isla guri geyn’e, waxa arrimuhuu kala cadaan doonaan Bilaha soo socda.

     
Loading...