Wiil Iyo Gabadh Walaalo Ah Oo Muqdisho Lagu Dilay Iyo Waalidkooga Oo Diiday In La Aaso

Friday December 03, 2021 - 13:33:23
Hadhwanaagtv
"Sakariye iyo Sowdo waxaa dhashay eedaday aabay la dhalatay"

Ehallada wiil iyo gabar wadadhashay oo xalay lagu dilay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in aanay maydadka ehelkooda aasi doonin illaa laga keeno askartii dishay.

 

Xalay fiidkii ayey aheyd markii Sakariye Maxamed Xuseen iyo Sowdo Maxamed Xuseen ay haleeleen xabbado ay soo rideen askar la sheegay inay ka tirsan yihiin ciidammada federaalka ee Soomaaliya.

 

Dilka ayaa ka dhacay Isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay wararku sheegayaan inay maraysay mooto bajaaj ah oo ay saarnaayeen labada marxuum.

 

Wararku waxa ay intaasi ku darayaan in ciidammada dilka gaystay ay saarnaayeen gaari nooca Cabdi Bilaha loo yaqaan ah, kuwaas oo xabbado riday si ay u fududeeyaan saxmad halkaas ka jirtay.

Cabdullaahi Maxamed Cabdulle oo ay ilma abti iyo ilma eedo yihiin labada marxuum oo BBCda la hadlay ayaa sheegay in markii ay rasaasta haleeshayba uu Sakariye geeriyooday, halka Sowdana dhaawac ahaan lagu qaaday kaddibna ay ku geeriyootay isbitaalka.

 

"Sakariye iyo Sowdo waxaa dhashay eedaday aabay la dhalatay Xaadsan Cabdulle Maxamed, dilkoodana waxaan ku ogaannay, waxaan wacnay markii ay xoogaa naga maqan yihiin, markaas oo uu telka naga qabtay wiilkii waday bajaajtii ay raaceen," ayuu yiri Cabdullaahi

Waqtigii uu shilka dhacayay waxa ay Sakariye iyo Sowdo adeeg u raadiyeen walaashood ka yar oo ku foolanaysay isbitaalka Yardameli ee magaalada Muqdisho, hasayeeshee nasiib-darro lagula kacay falkaasi arxandarrada ah.

'Illaa aan jawaab helno maydadka ma aasayno'

 

Cabdullaahi ayaa sheegay in illaa hadda aanan la hayn askartii dilka gaysatay, waxaana uu ku eedeeyay ciidammada booliska ee meel u dhaw halkaas ku leh saldhigga in aanay xitaa u soo gurman oo aanay baarin sida ay wax u dhaceen.

 

Cabdullaahi Maxamed iyo ehellada labada marxuum ee wadadhashay ee xalay la dilay ayaa ku adkaysanaya in maydadkaas aanan la aasi doonin illaa cadaalad ay ka helayaan: "Maydadka isbitaalka ayey yallaan illaa aan jawaab helnana ma aasayno,"

 

Cabdullaahi Maxamed Cabdulle oo ka mid ah ehellada wiilka iyo gabadha walaalaha ah ee xalay lagu dilay tacshiiradda ayaa ku adkaystay in aanay marnaba ka daali doonin sidii maxkamad loogu soo taagi lahaa askartii ka dambaysay dilka walaalihii.

 

"Dadka dad bay ka dhasheen oo la iskama duugaayo sida xoolihii, marka waa in maydkooda meel la saaro ciddii dishay, cadaaladoodana la helaa," ayuu yiri Cabdullaahi.

Taariikhda Sowdo iyo Sakariye oo kooban

 

Sakariye Maxamed Xuseen iyo Sowdo Maxamed Xuseen waxaa lagu tilmaamay inay ahaayeen dad aad u dad jecel, qalbi furan oo aad loo jecel yahay.

 

Waxa ay waxbarashadooda asaasiga ah illaa asaasiga ah ku qaateen magaalada Muqdisho, gaar ahaan iskuulka SYL.

 

Cabdullaahi Maxamed ayaa sheegay in labada marxuum ay ahaayeen ubax soo baxaayo geeridoodana ay tahay musiibo aad u wayn oo qoyskooda ku habsatay.

 

"Sakariye waxa uu ka baxay Kuliyadda Dhaqaalaha ee Jaamacadda Banaadir, oo waxa uu ka mid ahaa ardaydii sanadkii hore qalinjabisay, nin hammi sare leh ayuu ahaa oo dalka dibaddiisa uu waxbarasho u aado, hoyadiis iyo qoyskiisana ka warqabo ayuu ahaa," ayuu ku cataabay Cabdullaahi.

 

Hooyadii dhashay labadaas marxuum ayaa la sheegay inay aad uga xumaatay dhibka soo gaaray, waxaana ay codsanayaan in cadaadaladda la marsiiyo ciddii dishay carruurtooda.

 

BBC

     
Loading...