"Codka Shacabku Ma Yaalo Xafladaha Hablaha Lagu Bixiyo." Buuni

Sunday May 05, 2024 - 14:59:29
Hadhwanaag
"Siyaasiyiinta Somaliland ayaa caan ku ah inay iska weeraraan ..."
Hargaysa (HWN) Wasiirka wasaarada Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arimaha dastuurka Somaliland Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni ayaa sheegay in codka lagu kala guulaysanayo doorashadu aanu oolin xafladaha meherada ah ee Hablaha lagu bixiyo.


"Doorashadda Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland ka dhacaysa ee qorshaysan waxa ku tartamaya sadex xisbi qaran waxayna shacbiga Somaliland ku kala dooranayaan taariikh ku salaysan. ayaa  qaranimada Somaliland lagu aaminayaa ?

 
Waxayna soo bandhigayaan  Barnaamij siyaasadeed. ee Codka shacabku ma yaalo xafladaha ama goobaha hablaha lagu bixiyo." ayuu yidhi Buuni.


Siyaasiyiinta Somaliland ayaa caan ku ah inay iska weeraraan goobaha xafladaha ah sida qalin jabinta goobaha waxbarashada iyo meherada hablaha lagu bixiyo.

     
Loading...