Xildhibaan Sheegay In Saluug Badan Laga Qabo Hogaanka Shirgudoonka Golaha Wakiilada

Friday December 03, 2021 - 07:58:25
Hadhwanaagtv
"Dad badani waxa ay u dhagtaagayaan waxa goluhu ka yeeli doono xeer 14"

Hargaysa (HWN) Xidhibaan Cali Qaran oo katirsann Golaha Wakiilada Somaliland ayaa sheegay in saluug badan laga qabo hogaaminta shirgudoonka golaha Wakiilada.


"Fasax bil iyo xoogaa qaatay kadib Sabtida waxaa noo furmi doona kalfadhigii labaad ee Gollaha Iddam Alle waxaa nasugaya xeerar  badan oo qaranka iyo umaduba baahiweyn u qabaan in kastoo saluug badani jiro dhanka hogaaminta shirgudoonka.


Dad badani waxa ay u dhagtaagayaan waxa goluhu ka yeeli doono xeer 14 (xeerka furista ururada) oo hada layaala shirgudoonka Golaha!!!!!!!


Jimce wanaagsan dhamaan shacbiweynaha reer Somaliland.” Ayuu yidhi xidhibaanku

 

     
Loading...