Saansaan Colaadeed Oo Ka Taagan Laascanood & Digniin Laga Soo Saaray.

Wednesday April 24, 2024 - 09:37:33
Hadhwanaag
"dhiig dambe oo daata iyo khasaare hor leh "



Hargaysa (HWN) Siyaasi Cali Guray ayaa ka hadlay saansaan colaadeed oo ka taagan magaalada Laascanood iyo deegaanada udhaw.


Siyaasi Cali ayaa intaasi ku daray in masuuliyada dagaalka halkaa ka dhasha ay qaadidoonta cida weerarka horqaada, sida uu ku sheegay qoraalkan hoose oo uu baahiyay.


"WAAR TOLOW COLKA JOOJA!
Laascaanood  maxaa Ku soo kordhay, ma deggana xaaladeeduye? Ma iyaga ayaa Weerar soo Ah oo abaabul dagaal ku jira? Mise Xukuumadda Muuse Biixi Ayaa Mar Kale Weerar Rogaalcelis ah Ku Qaadaysa, wax Baa La sheegsheegayaaye. Tay doontaba ha noqoto eh anigu waxan qabaa hadba Dhinaca Weer Qaada Ayaa Qaldan Masuulna Ka Noqon Doona Wixii Dhaca.
 

Weliba xiligan oo Somaliland ay wadadii doorashada cagta saartay xukuumadda waxan uga digayaa in haba yaraato eh wax duulaan ah ay ku qaado Laascaanood. waayo wax dhiig dambe oo daata iyo khasaare hor leh ahayn oo laga faa'iidayaa ma jirto. Waxay ku fiican tahay in ciidamada labada dhinac ay kala joogaan halka ay hadda kala joogaan oo aan dhinacna dhinaca kale weerar ku qaadin. Hadii kale waa lagu jabi doonaa waana la qoomamayn doonaa ta ka dhacda."


Somaliland iyo Khaatumo ayay labada dhinacba halkaasi ay ku daabulayaan maalmihii ugu dambeeyay ciidamo cusub.
     
Loading...