Sida la wada
ogsoonyahy soddonkii sano ee la soo dhaafay kooxda TPLF waxa ay shacabka
Deegaanka Soomaalida u geysatay mahadhooyin ballaadhan iyo dhibaatooyin baaxad
leh; dhibaatooyinkasina bulshada Soomaaliyeed si dhab ah ayay uga wada
dharagsan yihiin.
Gafafkii ballaadhnaa
ee soddonkii sano ee la soo dhaafay ay TPLF bulshada Soomaalida u geysatay waxa
ay ku reebeen dadka Soomaaliyeed saamayn ballaadhan dhinacyada siyaasadda,
arrimaha bulshada iyo dhaqaalahaba.
Saddexdii sano ee la
soo dhaafay isbaddalkii kaddib dowladda Deegaanka Soomaalida iyo hoggaaminteeda
oo isku duuban waxa ay xoogga saartay in shacabka Soomaliyeed laga dulqaado
dhibaatadii ay muddada soddonkaa sano ah u gaysatay, waxaana la sameeyay
jihooyin kala duwan oo lagu badbaadinayay shacabka Soomaliyeed. Muddadaasi
saddexda sano ah waxaa la qaaday jid walba oo ummadda Soomaaliyeed lagaga
samata bixin karo hadimooyinkii baaxadda lahaa ee ay TPLF shacabka u geysatay.
Waxaana lagu guuleystay in laga soo gudbo talooyinkii ay janaraaladdii TPLF talisyadooda
uga soo go'aamin jireen iyo argagixii shacabka la galin jiray.
Maanta ma jirto, mana
jiri doonto in ay soo noqdaan dhibaatooyinkii shacabka Soomaaliyeed ay TPLF
gaadhsiisay, mid Deegaanka laga ogolaanna ma aha.
Dowladda Deegaanka
Soomaalida waxa ay aaminsan tahay in masiirka shacabka Soomaalidu ku jiro
gacanta shacabka Soomaaliyeed, nooc walba ha ahaadan ee, sidas darteedna ay
go'aanka iyo taladuba ay ka soo go'ayso shacabka Soomaalida.
Ugu dambayn, Dowladda
Deegaanka Soomaalida waxa uu waajib ka saaran yahay nabadda iyo horumarka
shacab-weynaha Soomaalida, waxa ayna dowladdu caddaynaysaa in ayna imaan doonin
gacan shisheeye, lana ogolaan doonin.
23/02/2014 T.I. Jig-jiga.