Taariikhda wax Akhriska.

Monday October 11, 2021 - 09:59:04
hadhawanaagnews
uleymaan (Calayhi salaam ) uu fariin u diray boqortooyadii SABA' ee ka jirtay dalka Yemen.


Waxaa la weriyaa in Akhriska insaanka uu soo bilowday waqti aad u fog qoraaga #dhiganaha "The history of reading" waxaa ku xusan in marxaladaha Akhriska uu soo maray xilliyadii dhagaxaanta iyo looxaanta la isticmaali jiray ayaa kamid

ah xilligii uu wax akhrisku jiray.

Haddaad dib u milicsato taariikhda nabiyada waxaa aad arkeysaa in nabi

Suleymaan (Calayhi salaam ) uu fariin u diray boqortooyadii SABA' ee ka jirtay dalka Yemen.

Sidoo kale falaasifada Giriigii hore ayaa la sheegaa in ay akhriska ku dadaali jireen, qarniyaddii hore meelaha xadaaradaha bani aadamka ka jiray waxaa kamid ahaa

dhulkii Baabil ( dalka ciraaq), waxaa jira qoraallo badan oo ay diyaariyeen dadkii

reer Baabil oo xilligaasi hogaanka u hayay ilbaxnimada insaanka, qarniyaddii dhexe jasiiradda carabta waxaa ka soo ifbaxay muslimiinta waxayna muddo kooban gudaheeda kula wareegeen xadaaraddii insaanka, saxaabada nabiga NNKH waxay ku dadaaleen qorista axaadiista laga weriyay Nabiga NNKH, xilliyadii

ka dambeeyay waxaa soo shaacbaxay qorista gabayada, xikmadaha, iyo funuunta kala duwan casrigaasi waxa uu ahaa xilligii Akhriska iyo qoraalka, maktabaddii magaalada Qurduba ee wadankii Andalus( spain&Portugal ) waxay qayb ka ahayd maktabadihii ugu weynaa ee jiray casrigii dhexe, buugaagta laga heli jiray

waxay gaareen 400,000 ( Afar boqol oo kun) oo buug, waxaana xusid mudan in xilligaasi aanay jirin madbacada lagu daabaco buugaagta balse buugaagta waxaa

lagu qori jiray gacanta.

-Xadaaraddii shiinaha waxay geedaha ka sameeyeen warqad wax lagu qoro

sanadkii 105 miilaadi, xilligaas ka hor waxay isticmaali jireen dhagaxaanta si wax loogu qoro, waxayna shiinuhu si weyn u qori jireen buugaagta ka hadla Beeraha iyo dhismaha magaalooyinka, sidoo kale xisaabta,caafimaadka ayay wax badan ka qoreen. Xadaaraddii Roomanka ayaa kaalin weyn kulahayd qorista buugaagta

juqraafiga, khariidooyinka, badmaaxnimada, iwm. Qoraaga reer Taliyaani Caius Plinius Secondus ayaa qoray mid kamid ah buugaagta ugu caansan Taliyaaniga,

wuxuuna u bixiyay " Historia Naturalis" sidoo kale waxaa uu qoray 37 buug oo

isugu jira Taariikhda Roma, suugaan, iyo kuwo kale, xadaaraddii Beershiya

qarnigii seddexaad ee miilaadiga waxay wax ka qoreen maamulka, iyo siyaasadda,

waxaa jira buug ay qoreen Beershiyiinta oo lagu magacaabo " Beeralayda iyo

shaqaalaha" oo ah buug si weyn looga qadariyo Iran. Xadaaraddii Hindida waxay

xoogga saareen culuumta cirka, aljabrada iyo xisaabta, kimistiriga, caafimaadka,

iwm. Masaaridii hore waxay qayb ka ahaayeen Umadaha ku horumaray Akhriska,

waxaa la sheegaa in ay ikhtiraaceen ama soo saareen warqad wax lagu qoro,

inkastoo arintan dood ka taagantahay, Waxay wax badan ka qoreen

injineeriyadda, xisaabaadka, iyo qorshaynta.

Qarniyadan dambe waxaa sii batay xiriirka dadka iyo buugaagta ka dhaxeeya,

iyada oo dunida isu furantay, waxaa la helay madbacado, maktabado waaweyn,

iyo sidoo kale aaladaha Elektarooniga, waxaa fududaatay helitaanka buugaagta,

waxaa la helay internet oo si fudud looga soo dejin karo buugaag badan kadibna

si fudud loo daabacan karo iyada oo aan safar dheer la galin.

Innaga ka soomaali ahaan hadalkeenna ayaa ka badan inta aan akhrido, halkii

laga rabay inaan camirno maktabadaha waxaan camirnay makhaayadaha iyo

goobaha fadhi-kudirirka, haddana rajo kale ayaan arkayaa, bandhigyada

buugaagta ayaa ku soo badanaya magaalooyinkeenna.


╭┈──────────────

╰┈➤Hagaha akhristaha


Abdikariim Mohamed

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...