TACSI MADAXWEYNE:
27/12/2023
Muuse Biixi Cabdi,
isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda
Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, Qaranka Jamhuuriyadda
Somaliland, qoyska iyo ehellada, uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum
Ganacsade Axmed Daahir Cumar (Baxsane) oo ku geeriyooday maanta oo ay
taariikhdu ahayd 27/12/2023, Caasimadda Somaliland ee Hargeysa.
Waxaanu Madaxweynuhu
marxuumka ku sifeeyey Ganacsade Sama-fale ahaa oo ka baxay dalka iyo dadka,
door muhiimana ka soo qaatay dib u dhiskii iyo nabadayntii dalka, kana mid ahaa
dadkii aaminay dalkooda ee maal-gelinta iyo ganacsiga ka hirgeliyey gudaha
dalka, iyadoo ay u dheerayd inuu kaalin weyn ka geysan jiray arrimaha
samafalka.
Madaxweynuhu waxa uu
marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka,
waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga
Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
ALLAA MAHAD LEH
Naasir Yuusuf Daahir
Agaasimaha Warbaahinta
Madaxtooyada JSL.