Somaliland
waa dal Muslima oo dimuqraadi ah. Taas macnaheedu waxay tahay inta
Illaahay kasokaysa dadwaynaha ayaa iska leh awooda kamadanbaysta ah ee
siyaasadeed. Nidaamkaa dimuqraadiga ahina waxa uu difaac ka yahay in uu
si sahlan ku samaysmo nidaamka kaligii talisku. Dimuqraadiyada ayaa
markaa iyana u baahan in siday tahay loo fahmo oo laga ilaaliyo xagal
daaca. Qoraalkeenan waxaynu waxooga ka tilmaamaynaa sida nidaamkaasi
dimuqraadiga ah hareeraha loo qaban lahaa oo shicib iyo dawladba inta
lays kaashado dhurwaaga looga ilaalin lahaa. Ugu horrayntii waxaa loo
baahan yahay in himilada la saxo. Himiladu waa mid shaqsiga u gaar ah
(personal vision) iyo mid bulshadu ay wada leedahay (community vision).
Shaqsigii baa marna noqonaya qof caadi ah oo bulshada ka tirsan, marna
noqonaaya masuulka ay bulshadu xil u dhiibatay. Bulshadaa iyana
bulshooyin usii kala baxaysa. Cid walba waxaa looga baahan yahay inay
dib-isugu noqoto oo ay himiladeeda qiimayn ku samayso.
Shaqsigu
hadduu doonayo inuu masuul umadda hogaamiya uu unoqdo maxaa la gudboon
inuu naftiisa ka bedelo, maxaana la gudboon inuu bulshada uu ka tirsan
yahay ku soo kordhiyo? Bulshadii meel wada degan iyana maxaa la gudboon?
Maxay doonaysaa inay xaaladeeda iminka taagan ay ka bedesho, maxaanay
doonaysaa mustaqbalka inay gaadho oo ay noqoto? Mid aynu wada ogaano,
midaas oo ah in isbedelku sidiisaba aanu ka imanin dibeda ee uu ka
yimaado bulshada dhexdeeda. Illaahay (SWT) ayaa quraanka inoogu sheegay.
Waxaa laga yaabaa in in badan oo inaga mid ahi ay mar iyo in kabadanba aynu ka qaybgalnay siminaaro ama shirar lagaga hadlayo muhimada ay leedahay in la qeexo himilada bulshada.
Laakiin shirarkaasi ama tababradaasi ay inta badan hayado ajanabi ahi ay daadihinayaan ayaad moodaa in waxay ina farayaan aan lagala bixin hudheelka ay shirka ku qabtaan. Oo marka uu shirkaasi dhamaado kadib qof waliba uu dib ugu laabto nolol maalmeedkiisii hore. Aadamuhu had iyo jeer wuxuu ka walwalsan yahay mustaqbalka. Waxaan marwalba ka walwalsanahay waxaa berri dhici doona. Waxaan jeclaan lahayn inaan ogaano waxa dhici doona mustaqbalka. Sababtoo ah haddaad ogaan lahayd waxa dhacaya mustaqbalka. Markaas ayaan u diyaar garoobi lahayn laga bilaabo maanta dabiici ahaan. Waxaad mooda inay diinti qarka saarantahay. Waxaan taas uleeyahay been tii baa badatay. Wax kasta illaahay wuxuu noogu shegay Quraanka. Kitaabkaas (Quraanka) shaki kuma jiro Hanuunbaana ugu sugan kuwa dhawrsada. Bulshada Soomaaliyeed waxay leedahay taariikh soo jireen ah oo aan ku dadaalin sidii loo qeexi lahaa hadafyada guud iyo in laga wada shaqeeyo sidii loo gaari lahaa. Soomaalidu waxay iska jecel yihiin inay isku filnaadaan in uu naftiisa wax-u-noqo oo aanu qoyskiisa mooyee aanu cid kale dan ka lahayn. Dhaqankaasna waxaa lagu tilmaamaa inuu yahay (individualism) ama kalinimada.
Waa inaad Naftaada Jeceshahay intaadan Qof kale Jeclaan. Inaad dadka kale u jeclaato sidaad naftaada u jeceshahay. Xigasho "Naftaada Jeclow" Haa, is-jacaylku malaha waa mid ka mid ah waxyaabaha ugu muhiimsan ee aad noloshaada ku samayn karto. Markaa ku bilow taas marka hore, ka dibna ballaariso jaceylka aad dadka kale u qabto. Waxaan rajaynayaa inaad heli doontid waxyi, saaxiib. Waxaan u baahanahay inaan saxno bulshadeena halaga bilaabo inaan isku raacno oo aan si cad u qeexno hadafka, in laysla meel dhigo oo si fiican loo qeexo himilada oo markaasi noqonaysa in lays waydiiyo xaalad caynkee ah ayaa maanta bulshadeenu ku sugan tahay? Maxaan rabnaa inaan ka badalno xaaladeena? Maxaana aynu doonaynaa in aynu xaalkeena ka bedelno? .
Maxaynu
higsanaynaa oo halkee ayaynu doonaynaa inaynu gaadhno 30 sano ka kadib
xagee joognaa. Bulshadu markay sidaasi himiladeeda u hagaajisato, ayaa
waxaa imanaysa inay isqiimayso oo ay markaasi iska soo dhex saarto
masuuliinta gaadhsiinaysa meeshaa ay higsanayso. Bulshadu waxay
ogaanaysaa inay iyadu gacanta isoogu hayso badhaadhaheeda. Cagsiguna waa
sax oo bulshadu hadday hogaankeeda u dhiibato cid iska-gee-uun ah
markaasi bulshadaasi iyadaa isdabartay oo jabkeeda gacanteeda ku
samaystay. Hogaanka siyaasiga ah ee wadanka isaga waxaa laga rabaa inuu
himilada intaasi ka fogeeyo oo uu ka fikiro halkii uu wadankiisu gaadhi
lahaa 50 sanno kadib. Marka sidaasi loo fikiro waxa imanaysa inaanad
naftaada iyo inta manta kugu xeeran oo kaliya aanad ka fikirin ee aad ka
fikirto jiilasha wadankaaga ee mustaqbalka ubadkeena maxaad meel u
dhigtay, sees caynkee ah ayaad u dhigtay? Taariikhdu iyadaa isqorta ee
maxaad ugu talo gashay inay kaa qorto?
Wadaniyada
waa in la baro ciyaalkeena iyo daka imika jooga si lo aaso qabyaalada.
Waxaa muhiim ah in qabiilooyinka oo dhan wada shaqeeyaan. Waa inaan
sameynaa wax kasta oo aan awoodno si aan u badbaadino mustaqbalka
Somaliland waxaan rajaynayaa in maalin maalmaha ka mid ah carruurteennu
si nabad ah ugu noolaan doonaan Somaliland iyo nolol tan innaga ka
wanaagsan mustaqbalka. Jiilasha mustaqbalku hadday wanaag kugu
xasuustaan waxloo dhigo miyaa jira? Waari Mayside War Hakaa Hadho! Waxa
shaki la’aana in bulsho kasta oo casri ah oo manta adduunka dushiisa ku
nooli hadday himiladeeda si fiican u qeexdo inay ku darsanayso
qorshaheeda samaynta goobo caafimaad, goobo waxbarsho, wadooyin, iyo
sidii loo abuuri lahaa ilo dhaqaale oo ay warshadayntu kow ka tahay, iyo
waxyaabo kaloo badan oo bulshada casriga u baahan tahay. Markaynu
Somali ka hadlayno waxaynu ka hadlaynaa mujtamac qabali ah oo markaasi
bulshooyinkiisu ay ka kooban yihiin qabiilo. Qabiil kastaa waa bulsho
isku xidhan. Bulsho sideedaba waxaa lagu qeexaa inay tahay dad ay ka
dhaxayso dani, dadkaasi meel hawada joogaan ama yaanay wada joogine.
Markaasi tusaale ahaan beel reer Somaliland ah oo inteeda badina Hargeysa degto, xubnaha beeshaasi hayb ahaan uga midka ahi ee magaalooyin kale degan isku bulsho ayay ahaanayaan.
Dhinaca kale markaad ka eegto waxa isku bulsho noqonaya dad aan isku hayb ahayn laakiin magaalo ama tuulo wada dega. Markaa waxa lagama maarmaan ah in dadkaasi kala beesha ah laakiin uu degaanku ka dhexeeyaa inay waxwada qabsadaan oo ay samaystaan himilo ka dhaxaysa oo markaasi ay higsanayaan gaadhisteeda. Himiladuna sideedaba waa inaad samaysato hadaf fog oo gaadhistiisa aanad gaadhaynba inta aad nooshahay maadaama ay sheegayso halka la gaadhi doono 30ka sanno ama 50ka sanno ee socda, laakiin waa hadaf ay gaadhi doonaan ubadkaagu. Taariikhda waxku darso weeyaan. Mana jirto cid (shaqsi, beel, dawlad) doonaysa inay taariikhda waxaan wanaagsanayn ku darsato. Marka ay bulshadu doonayso inay dhisato kaabayaasha dhaqaalaha, sida iskuulada, rugaha caafimaad iyo wadooyin ama dekedo waxaa khasab ah inay bulshadaasi la shaqayso xukuumada talada haysa. Markaasi waxaa khasab ah inay la shaqayso beesha ama beelaha kale ee ay isku deegaanka yihiin.. Marka ay cid waliba saxdo himiladeeda ayaa la helayaa waxyaabaha aasaasiga u ah horumarka bulshooyinka. Marka ay bulshooyinka waddanka ku wada nooli ay isa saxaan ayaa waxaa si ootimaatik ah u saxmaya waddanka ay ku nool yihiin. Waxa imanaysa in si wada jira loola coloobo oo laysooga qabto cidii hagar daamo ku keenaysa habsami u socodka nolosha bulshooyinka. Adduunka waxaa guulaysta wadamada ay degan yihiin bulshooyinka casriga ah ee goor hore qeexay himiladooda isla markaana hogaankooda u dhiibtay cid ay iska soo xuleen oo ay ogyihiin inay fahmayaan himilada ay dhigteen. Taas macnaheedu maaha inaynaan inana markeena horumarikarayn. Horumarkeena inagaa gacanta isugu hayna. Keliya waxaa laynaga rabaa inaan himiladeena saxno. Bulshooyinka Somaliyeed ee himiladooda qeexay oo gaadhista himiladaasi ka hawlgalay waxa ka mida bulshada waqooyiga Kiiniya degta. Bulshadaasina bulshooyinka kale ee Soomaaliyeed waxay ka horaysaa masaafo aanay sahlanayn sida lagu gaadhaa.
Ingiriiska
ku maahmaa "it is never too late” oo ka dhigan "cidkastaa markay
isasaxdo ayay meeshay higsanayso gaadhaysaa”. Mid baa la hubaa oo marka
ay bulshooyinka wadanka wada degaa ay mid waliba isasaxdo ayaa waxaa
imanaysa in hogaanka dalka loo dhiibo cid ehel u ah.
Waxaa kaloo imanaya isfaham guud oo isna keenaya nabad waarta. Waxa kaloo imanaysa in doorashooyinka si nidaamsan loo qabsado maadaama cida hogaanka haysaa ay si fiican u fikirayso ooy doonayso in ay taariikhda wax wanaagsan ku darsato. Iskaashiga bulshooyinka iyo dawladuna wuxuu garantii u yahay in la gaadho horumar dhaqaale oo markaa faqriga lagaga baxo.
Allaa Mahad leh
W/Q: Maxamed-Sadiiq Xaaji Yuusuf Dubad
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!