Boqor Buurmadow Oo Ka Hadlay Xoriyada Uu Helay Kornayl Doolaal Ka Dib Hanjabaadii Uu Muuse Biixi U Diray
Hargeysa(HWN):-boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow ayaa ka hadlay xoriyada uu helay kornayl Jaamac Maxamuud Doolaal,
boqor Buurmadow oo xukuumada Muuse Biixi u qabtay inay mudo sadex cisho ah ku sii dayso kornayl Jaamac Doolaal ayaa sheegay inuu u mahad celinayo cid kasta oo ka qayb gashay soo deynta sarkaalkaaskaas ka tirsan ciidanka qaranka.
boqor Buurmadow oo ka hadlaya sii deynta kornayl Doolaal ayaa waxa uu ku yidhi qoraal uu soo saaray " Waxaa ilaahay mahadii ah inuu xoriyadiisii dib uheluhelay mujaahid doolaal waxaan umahadnaqayaa cidkasta oo kaqayb qaadatay soo dayntiisa sidii aad lasocoteen dhamaan beelaha habarjeclo dal iyo debed dhawaaqii aad maanta iga sugayseen wuxuu inoogu dhamaaday nabad gelyo waxaan idiin rajaynayaa inaad nabad ku ciidaan meelkasta aad joogtaan dalka iyo dadkana waxaan urajaynayaa nabadgelyo ilaahay ayaa marwalba mahadlehâ Boqor Buurmadow.
2.5KCadnaan Beddel, Zakaria Dahir Sunniand2.5K others