Sabootin Hal-yeygii La Fahmi Waayay Muuse Biixi Cabdi Iyo Wax Qabadkiisii

Thursday December 12, 2024 - 15:48:41
hadhwanaag
Waxana uu layimid waxqabad balaadhan oo ay ugu waynayd


Sida aynu ognahay muuse wuxuu ahaa madaxweynihii loo igmaday in uu xukumo mudo shan sanno ah.waxa uu soo hayay xilka mudo toddobo sanno ah.

Muddo xileedkiisii waxa uu noqday madaxweynihii la darsay caqabadihii aduunka ugu adkaaa ee taariikhda abid kadib marxuun cigaal.

Waxana uu layimid waxqabad balaadhan oo ay ugu waynayd dhisitaanka dhaam biyoodyo ka fulay galbeed iyo bariba .isaga oo dhamaystiray qabya kasta oo ay ka tagtay xukuumadii ka horaysay ee siraanyo ,Kuna guulaystay waddooyin badan dhamaystirkooda.

Waxa la soo daristay xaaladii karoonaha waxa uu si geesinimo leh uga baxay kana dabaashay balaayadii dunida la kawsatay ee corona-ha

Waxa uu ku dhaqaaqay dib u habayn casri ah oo uu ku sameeyay cisbitaalka guud ee magaalada hargaisa .waxa uu dhigay qalab casri ah cisbitaalka burco.isaga oo yagleelay shan cisbitaal oo dawladu u gaar ah.

Wakhtigiisii waxa uu kor u qaaday xidhiidhka caalamka jeeroo ay soo hawaystay Maraykanka si uu saldhigyo uga samaysto berbera taa oo ahayd tababar .Tiina waatii kala kacday kadib imaashihii ilhaan omar mudanadii conga-rays-ka soo gaadhitankeedii puntland.

Muuse oo dhisay wadada u dhaxaysa berbera iyo shiikh ilaa burco galbeedka ka fuliyay mashruucyo balaadhan.

Ayuu muuse badbaadiyay ciidankii qaranka isaga oo ka baaqsanayay dhibaato dhacda isaga oo ka duulayaa ayuu muuse dib uga soo noqday sool. Muuse waxa la odhan waxa uu diidanayaa dhibtaado xun oo ka dhacda gudaha sool.

waxa lagu kiciyay kacdoon badan balse wuxuu uga dabaashay si geesinimo leh.hadda waxa uu wareejiyay xilkii isaga ku wareejiyay cirro.

Hamse Riiraash
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...