kulan balaaran oo ay soo agaasimeen midawga ardayda soomaliyeed ee sudan, ayaa lagu qabtay guriga midawga ardayda waxaana kasoo qeyb galay dadweyne badan oo isugu jira arday iyo waalidiin soomaaliyeed oo kunool Guud Ahaan Wadanka Suudaan.
kulankaan Ayaa looga hadlay culeysyo dhinaca sharciga oo dowlada suudaan ay kusoo rogtay muwaadininta soomaaliyeed ee suudaan kunool, kaas oo caqabad ku noqday saameyna ku yeeshay ardayda iyo jaaliyada soomaaliyeed, waxaana baaq loogu diray dowlada soomaaliya Si ay wax Uga qabato Dhibaatadan oo muddo 7 bilood ka badan aan waxba laga qaban.
dadkii kala duwaanaa ee kulanka ka hadlay oo isugu jiray arday iyo Hooyooyin soomaaliyeed ayaa dowlada soomaaliya ka codsaday inay xal deg deg ah ka gaarto cabashada ardayda iyo jaaliyada soomaaliyeed ee suudaan kunool ay wajahayaan.
Qaraarka ay dowlada suudaan soo saartay waxay ku sababeysay in muwaadiniinteeda jooga soomaaliya lagu kordhiyay lacagaha lagu sameysto sharciga dalku jooga taas bedelkeedana ay si lamid ahna kusoo rogtay muwaadiniinta soomaaliyeed ee suudaan kunool lacag udhiganta tan laga qaado suudaanta soomaaliya kunool.
Arintan ayaa caqabad Weyn ku noqoneysa dadka soomaaliyeed ee suudaan kunool gaar ahaan ardayda wax ka barata dalka suudaan, oo ay wax ka bartaan arday badan oo soomaaliyeed.
W/Q: Abdifaatax Ciise Xaashi.
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!