Taariikhda Gadabuursiga oo kooban

Friday August 28, 2020 - 11:41:20
Hadhwanaagtv
Meelaha ay ku badan yihiin

 

Meelaha ay ku badan yihiin

Somalia, Ethiopia, Eriteria (Saho) & Djibouti

Dadka ay wadagaan isugu dhow yihiin:

Ciise, beelaha kale Dir iyo Beelaha Soomaalida kale



GobolkaAwdalwaxaa dega beesha Gadabuursi.

Gadabuursi (Samaroon) Beesha Gadabuursi waxay si rasmi ah u dagaan oo aad ugu badan yihiin isla markaana iska leeyihiin Gobolka Awdal ee dhacda waqooyiga dhulka Soomaalidu degto. Waxaanay deegaan ahaan ku dhaqan yihiin degmooyinka Borama, Baki,Gabiley, Arabsiyo, Boon, Qulujeed, Lughaya iyo Saylac. Dhinaca wadanka Itoobiya, beeshu waxay deegaan rasmi ah ku leedahay Degmada Awbare ee Gobolka Faafan, Degmada Dembel ee Gobolka Sitti iyo Dooxada Harawo.Beesha Gadabuursi waxay ka mid tahay beelaha ka tirsan beel-weynta Dir ee shacab weynaha Soomaaliyeed. Dir ahaan, beesha Gadabuursi waxay tol yihiin beesha Ciise ee deegaanka ku ah wadanka Jabuuti, beesha Biyomaal ee laga helo koonfuta Soomaaliya, beesha Surre (Cabdale iyo Qubays) ee ku dhaqan badhtamaha Soomaaliya, Gaadsan iyo Gurgure.


Dhinaca kale, Samaroonku waxa ay ka tafiirmeen Sheekh Samaroon oo magaciisa saxda ahi uu ahaa Sheekh Maxamuud. Beesha Samaroon waxa ay ka soo jeedaan ASAL ahaan dadkii loogu yimiday Waqooyiga Soomaaliya.


Dhaqan ahaan, dadka Gadabuursiga ahi waxay tan iyo wakhti hore ahaayeen kuwo beeroleey ah, ayagoo beeran jiray midho iyo khudaar badan oo ilaa maanta laga helo deegaanadaasi. Degaanka ku wareegsan magaalada Baki, deegaanada Camuud ee dhow magaalada Borama, Darey macaane, magaalada Dilla, Gabiley, jufooyinka iyo kuwo kale oo badan ayaa tusaale fiican u ah horumarka xaga wax-beerashada ee beesha Gadabuursi.


Dhinaca kale, waxa iyadna jirta tiro badan oo ka mid ah shacabka Samaroon, kuwaasi oo ah reer guuraa dhaqda xoolaha ay ka midka yihiin geela, lo'da, adhiga, fardaha, dameeraha IWM. Dadka reer guuraaga ahi waxay si joogto ah u daba socdaan roobka ayagoo kolba u guura meesha roob fiican, biyo iyo daaqsiimo wanaagsan u leh xoolaha. Dadkani reer guuraaga ahi ma lahan wax xad ah, waxaanay ayaga iyo xoolohoodu iskaga talaabaan xuduudaha wadanka Soomaaliya, Itoobiya iyo Jabuuti


Si kastaba ha ahaatee, beesha Samaroon waxay tan iyo qarniyo badan ahaayeen dad aad u horumarsan oo leh ilbaxnimo ay kaga sareeysan bulshooyinkii ay isku wakhtiga ahaayeen. Waxaanay lahaayeen maamulo Boqortooyo, saldanad iyo dowlado madax banana oo leh dastuur habaysan. Kuwaasi waxaa ka mid ah Boqortooyadii Adal, sidoo kale loo yaqaano Saldanadii Cadal, Boqortooyadii Camuud iyo kuwo kaleba.


Guud ahaan dadka Samaroonku waa bulshooyin xadaarad horey u soo lahaa, isla markaana shacabka Soomaaliyeed dhexdooda looga yaqaano Dadka Nabada iyo Hooyga Aqoonta. Beeshu waxay aad ugu wanaagsan tahay waxbarashada, aqoonta maadiga iyo cilmiga diiniga ah. Magaalada Borama waxaa ku yaala tiro badan oo Jaamacado ah, dugsiyo iyo goobo waxbarasho, kuwasi waxaa ka mid ah hooyada Jaamacadaha ee laga furay Dalka Soomaaliyeed ka dib dagaaladii sokeeye, waa Jaamacada Camuud; Adal Medical University iyo Jaamacada Eelo American; tiro ka badan 20 Dugsi Sare; iyo boqolaal dugsiyo hoose iyo dhexe iskugu jira.


Isku soo duuboo, reeraha beesha Gadabuursi waxaaa loo kala saaraa, guud ahaan, sadex waaxood kuwaasi oo kala ah:


Beesha Habar Cafaan: beesha Habar Cafaan sidoo kale lagu naaneyso (HC) waa mid ka mid ah sadexda rukun ee beel-weynta Gadabuursi, waxayna ka kooban tahay labo iyo toban qabiil ama reerood.


• Beesha Makaahiil: beesha Makaahiil waa waax ka mid ah sadexda rukun ee Samaroonka, waxayna guud ahaan u kala baxaan 15 qabiil ama reerood.


• Beesha Maxamed Case: beesha Maxamed Case waa rukun ka mid ah sadexda tiir ee beel-weynta Samaroon kuwaasi oo deegaan ku ah dhulka iyo deegaanada xeebta Bada Cas ee gobolka Awdal. Beesha Maxamed Case waxaa loo kala saaraa kow iyo toban qabiil ama reerood.


Wadanka Eritrea waxaa jira qowmiyad la dhaho Saaho. Qowmiyadaas waxaa hoos timaada beel la dhaho Gadafur. Beeshaas asal ahaan waxay ka soo jeedaan Beelwaynta Gadabuursi, sidaas ayaa aqoonyahan Eritrean ah ku qoray buugiisa la dhaho "'The Saho of Eritrea"Dir, magaca saxda ah: Abukar waa beelweyn ka tirsan qabiilada Soomaalida taasi oo juquraafi ahaan degta afar wadan oo ku yaala Geeska Afrika. Beesha Dir waxaa laga helaa dhamaan deegaanada Shanta Soomaaliyeed kuwaasi oo kala ah:


• Djibouti(ahaan jirtey: French Somaliland),

• Soomaaliya(ahaan jirtey: British Somaliland iyo Italian Somaliland,

• Kenya, Gobolka Waqooyi Bari (NFD) iyo

• Dalka Itoobiya, deegaanka Soomaali Galbeed, iyo sidoo kale Deegaanada Oromia iyo deegaanka Canfarta.


Taariikh

Beesha Gadabuursi waxay si rasmi ah u dagaan ooy aad ugu badan yihiin isla markaana iska leeyihiin gebi ahanba gobolka Awdal. Sidoo kale, beeshu waxay deegaan rasmi ah ku leedahay gobolo ka mid ah wadanka Itoobiya iyo Jabuuti.

Marka taariikhda dib loo raaco, beesha Samaroonku waxa ay ka tafiirmeen Sheekh Samaroon oo magaciisa saxda ahi uu ahaa Sh.Maxamuud.


Juquraafiga Deegaanada

Guud ahaan Beesha Gadabuursi waxay degaan ku yihiin oo asal ahaan ka soo jeedaan; deegaanadan:


• Somalia: Gobolka Awdal, Gobolka Salal iyo Gabiley

• Itoobiya: Awbare, Dembel, Dharwanaaje, Jigjiga, Gursum, Ajersagar, Harar, Dirre-Dhabe iyo guud ahaan Killidhka Shanaad.

• Djibouti: Jabuuti iyo Deegaanka Carta.

• Eritrea: Gobolka Dubub(Gadafur)


Sida ku xusan taariikhda, beesha Samaroonka waxaa ka dhashay tiro badan oo geesiyo, dagaalyahano, siyaasiyiin, hogaamiyayaal, aqoonyahano, indheergarad, culimo diin, gabayaa, fanaaniin heesaa iyo madax kale oo caan ku ah shacabka Soomaaliyeed iyo dhamaan dunida oo dhan. Dadkaasi aan soo sheegnay waxaa ka mid ah:


• Imaam Axmed Guray dagaalyahan iyo hogaamiye Saldanadii Cadal

• Ugaas Nuur Ugaas Rooble hogaamiye boqortooyadii Ugaasyada Gadabuursiga

• Raage Ugaas oo ahaa gabayaa caan ah oo ka tirsanaa qoyska boqortooyada ee Ugaasyada

• Xaaji Diide oo ah halyeygii bixiyey magaca Xeebta Soomaaliyeed ee faransiisku Gumeysto ee maanta loo yaqaan Jabuuti.

• Jaamac Saylaci (Xildhibaankii ugu horeyey ee Soomaaliyeed ee Baarlamanka Faransiiska xubin ka noqda)

• Xaaji Jibriil Jiilane oo loo dilay midnimada Samaroon awgeed.

• Rooble Afdeeb oo ahaa geesi iyo dagaalyahan wakhtiyo hore aha

• Adan Isaaq Axmed oo wasiir iyo Safiirba ka soo noqday dawladahii.

• G/Sare Muuse Rabileh Good oo xubin ka ahaa GSK iyo wasiir aan dhicin.

• Cabdi Xasan Buuni oo ahaa Ra'iisal-wasaare-ku-xigeenkii labaad ee dowladii Aadan Cade.

• Cabdi Deeq Cabdi Sinimo oo ahaa aabaha fanka iyo suugaanta Soomaaliyeed, kaasi oo sameeyay heesihii ugu horeeyay ee muusig leh ee af-Soomaali lagu qaado.

• Khadiija Ciye Dharaar oo lagu naanaysi jirey "Khaddiija Balwo” oo ahayd hooyada balwada iyo aasaaska fanka Soomaaliyeed, waana qoftii dumar ah ee heesta tii ugu horeysay.

• Xasan Sheekh Mumin, abwaan, qoraa iyo halabuur Soomaaliyeed

• Iyo kuwa kale oo aan la soo koobi Karin oo isugu jira Culumaau Diin, aqoonyahanno, saraakiil ciidamo, Profesooro (PhD) ugu badan Soomaaliya, abwaano iyo fanaaniin.


Reer Awdal waa inay gobolka xukunkiisa hayaan.

Gadarbuuriska waa qabiilka kaliya ee gobolkooga dadkale ka taliyo.

[email protected]

[email protected]

 

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...