Muqdisho Iyo Hargeysa Oo Ku Heshiiyey Wakhtiga Ay Jabuuti Ka Furmayaan Wadda Hadalka Guddiyadii Farsamo

Tuesday July 07, 2020 - 20:33:56
Muqdisho Iyo Hargeysa Oo Ku Heshiiyey Wakhtiga Ay Jabuuti Ka Furmayaan Wadda Hadalka Guddiyadii Farsamo


Hargeysa(HWN):-Guddiyadii Farsamo ee ay somaliland iyo soomaaliya ku heshiiyeen inay sii anba qaadaan wada hadalka ayaa ka baaqday shir ay ku yeelan lahaayeen wadanka Jabuuti.

DAAWO:Keebaa Run Sheegaya Farmaajo Iyo Muuse Biixi?

Guddiyada somaliland iyo soomaaliya ay u xilsaareen inay sii wadaan wada hadalka ayaa kulankooda yeelan lahaa 3-dii bishan July 2020 sida ay ku sheegeen heshiiskii ay ku gaadheen jabuuti balse kulankaasi ayaa baaqday iyada oo aanay labada dhinac soo bandhigin sababaha keenay.


Warar laga helayo xukuumadaha Muqdisho Iyo Hargeysa ayaa sheegaya in labada dhinac ay ka wada hadleen dib u dhaca ku yimid kulankii ay guddiyada farsamo ku yeelan lahaayeen wadanka Jabuuti, waxaanay wararku sheegayaan in labada dawladood ay isla garteen wakhti cusub oo ay guddidu kulmi doonaan.


Somaliland iyo Soomaaliyya ayey wararku hada sheegayaan inay isla garteen in Guddiyada farsamo ay maalinta sabtida ah ee todobaadkan soo socda oo ku beegan 11/07/2020 ay kulamadoodii sii anba qaadi doonaan iyaga oo iskugu imanaya wadanka jabuuti.


Wararka ayaa sheegaya in Muqdisho Iyo Hargeysa ay hada ku heshiiyeen in guddiyada Farsamo ay sii anba qaadaan wada hadalka maalinta sabtida ah isla markaana laga shaqeeyo sidii ay wakhtigooda u dhici lahaayeen kulamada lagu heshiiyey

     
Loading...