Ruushka oo soo jeediyey wada-hadal kadib guul-darrooyinkii Khalifa Haftar

Thursday May 28, 2020 - 06:08:48
TRIPOLI(HWN):-Dowladda Ruushka ayaa soo jeedisay hindise xabad joojin deg deg ah iyo wadahadal

TRIPOLI(HWN):-Dowladda Ruushka ayaa soo jeedisay hindise xabad joojin deg deg ah iyo wadahadal siyaasadeed oo lagu dhameynayo xiisadda Libya, Xilli Dowladda Caalamka Aqoonsan ay guulo ku ool ah ka gaartay dagaallada ka socda dalkaasi.
Khalifa Haftar

Ciidamada dowladda ayaa toddobaadyadi dhowaa qabsaday goobo muhiim ah oo ay horey u haysteen ciidamada Jeneral Khaliifa Xaftar, oo ay taageeraan dalal ay ka mid yihiin Ruushka, Masar iyo Imaaraadka Carabta.

Ciidamada dowladda ayaa dhankooda waxa ay taageero weyn ka helayaan dowladda Turkiga. Hadaba, Aqoon yahan Maxamed Bulay Maxamaed oo ka faallooda arimaha Carabta iyo Bariga dhexe ayaa waxaa ka xog waraystay Wariyaheena Xuseen Saxnuuni oo jooga magaalada Qaahira.

Ugu horayn waxa uu waydiiyay, Maxaa xiligaan keenay in Dowladda Ruushka ay ku baaqo xabad joojin deg deg ah iyo in la dhiso maamul ay ku mideysan yihiin dhinacyada dalka Libya?

Xigasho:-VOA-Somali

     
Loading...