Marka
hore waxaan salaan qadarin,sharaf iyo karaamaba leh u dirayaa dhammaan shacabka
xariirt a ah ee reer Somaliland iyo inta maqaalkan akhrisataba.Waxaan
walaalayaal meel aad joogtaanba, idinku salaamaya salaanta islaamka ee qiimaha
badan, asalaamu calaykum waraxmatu laahi waba rakaatu. Waxaan Allaha
awoodda leh weydiisanayaa,inuu idinka yeelo kuwii adduun iyo aakhiraba liibaana
, cadaaladda u hiiliya , Qabyaaladda urteeda iyo dulmigana ka fogaada.
Aan u daa dago dulucuda qoraalka iyo halkay ay muhatay laabtaydu.Rabbi
naxariistii Janno Fardaw sa ha ka waraabiye,marxuum Maxamed Xaaji Ibrahim
Cigaal,wuxuu ahaa shaqsi aan weli soo marin taariikhda dhammaan dadka af
Somaliga ku hadlla,magaciisuna sharaf , qadarrin iyo karaamo huwan yahay.Wuxuu
ahaa Siyaasi ruug caddaa ah,si weynna looga qadariyo dhammaan mandaqadda Gees
ka Afrika iyo guud ahaan caalamkaba.Marxuum Cigaal ,wuxuu ahaa madaxweynihii
ugu horreeyey ee Somaliland ,ee gacantiisa ku soo sexeexay xoriyaddii aynu ka
qaadanay Dawladda Ingiriiska,26 June 1960 kii.
1993 kii ,ayaa Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal , mar labaad
Madaxweyne ka noqday Soma liland ,waqtigaas oo Dalka iyo dadkuba ay ku
sugnaayeen xaalad aad u adag,jihadaad u jeedsatan a ay ka soo yeedhayso dhiillo
colaadeed , amnni darro , kala danbayn la'aan ,geyigana dhammantii ay ka
muuqato bur burkii,xasuuqii iyo dakharadii ay Daalimintii Huwantu iyo kaba
qaadkoodiiba inoo geysteen. Marxuum Cigaal (AHUN), isagoo hawshaa baaxaddaa leh
u muuqato,oo aan Dawlado iyo kaalmo shisheeye toona gacanta u hoorsan, ayuu ku
guuleystay inuu shacabka boggoodii burcad isku mariyo, walaaleeyo ,hannaan
dawladnimo iyo kala danbeynna u yag leelo,seeskana u qotamiyo. Abtigay
Cigaal, Geesi inaga baxoo , Guul dhashuu ahaa, iga dheh.
Maanta oo bishu tahay 3 May, 2020, ahna sannad guuradii 18-aad, ee maalintii uu
geeriyooday marxuum Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal, waxaan soo jeedinayaa in loo
aqoonsado maalin Qaran,Library & Museumna loo dhiso. Inkastoo aan
taariikhdiisa dahabigaa, dhaxalkii uu innoga tagay, waxtarkii sii iyo wax
qabadkiisii midnaba aan tawaad, qalin , buug iyo website toona , lagu soo
koobi karin ,bal aan dhowr shay soo dul xaadiyo:
• Sameyntii Dastuurka Somaliland
• Sameyntii Calanka
• Sameyntii ciidanka Qaranka
• Hub ka dhigistii Beelaha
• Nabadayntii Beelaha
• Dib u dhiskii Dalka
• Sameyntii lacagta Somaliland
• Sameyntii Baasboorka Somaliland
• Sameyntii hannaanka Dawladnimo
• iyo kuwo kale oo badan
3 May,2002, oo ahayd maalintii marxuum Cigaal ku geeriyooday Cusbitaal ku
yaalla magaalada Pret oriy a ee Dalka Koonfurt Afrika,waxay ahayd maalin
madaw, gudcur dam yidhi ,murugo leh ,naxdin iyo dhiillana u soo hoyatay
dhammaan inta jecel jiritaanka iyo Qaranimada Somaliland. Walaw ay ad ag tahay
in qoraal lagu sifeeyo sida uu noqday ama uu ahaa dareenka
Somalilandersku meel ay m aalintaas joogeenbba,bal waxaan isku dayi
doonaa inaan idinku maansheeyo Gabay baroor diiqa ah, oo uu maalintaa tiriyey
Cali Adan Cawaale , waxaanu yidhi :
Sayed baad ahayd Mohamedow Mawle soo diraye
Siraad iyo aqoon baad ahayd saaqay dunidiiye
Somaliland baad jeclayd inay sarraysaaye
Teer iyo sitiinkii adaa taajka noo sidaye
Hanadkii sexeexaad ahayd saariddii karale
********************************************************
Sama wadde haddii anad ahayn lama sod caasheene
Xamar kuma sinteen dawladnimo xaasil oo sugane
Somali baa kugu mudnayd inay sinnaataaye
Saddexdii maqnaa baad lahayd sawtka gaadhsiiye
Sir ma qabe waddaniyaad ahayd sajac heer Qarane
********************************************************
Sidaa ugu listeen uma hambayn madaxdii reer Suud'e
Iyagaa waxaad sahamiseen suuqyada u galaye
Sunuut bay ku iibsheen waaxaad sahadinaeysaeene
Kala saare labadii shalay laysu soo daraye
waatay salaad hore galeen suuqyadii herere
Saf ballaadhan waatay rasaas shicib ku seexsheene
Taangiga siqaa wuxu dul maray sabi carruureede
Silicii dadkaagaa la baday saani loo aragye
********************************************************
Sankaa ii mudnaa inan dagaal kaga sifeeyaaye
Waatii sutida loo qabteen sugay xalaashiiye
Sandulley ahayd inan ka koro Xamar dul saarkeede
Inkastooy saraakiil halgemay sahayatoon waayey
Soo noqotay Maandeeq markale geesiyaa sugaye
Halkii aan sinnaan iyo wadaag samo ka dhawraayey
Ayadoon saldhigin bay haddana sudhatay reer reere
********************************************************
Solladaa markay naga gashee laysu socon waayey
Waatay simaamkii mar kale kuu sidkeen adiye
Waxad saawa saawiyo farsamo dhaban salaaxdaaba
Waataad sargooyada habboon saaftay nabarkiiye
kuma seegin tii loo ballamay sigib tirkeediiye
********************************************************
Salka wadigaa maamul qaran seeska noo dhigaye
Nabad bay ku seexdaan dhammaan saaka shicibkiiye
Saxan saxo udgoon baad mar kale siisay Reer Lande
Sama wade cuddoon baa halkaa sax uga maarayne
********************************************************
Sooyaalka taariikhdu wuu sugay halkaagiiye
Somali baad guud ahaan ugu sarreysaaye
Suugaanta kuma koobi karo sumada haagiiye
********************************************************
Sool iyo Hargeysiyo Togdheer Booramiyo Saylac
Sanaag iyo Addis iyo Jijiga baddhabiyo saaxil
waxa saaka laga ooyayaa tan iyo Sayloone
********************************************************
Nina saacaddii kama fakado seeftu guud timide
Sama wade Halyeyow jannadda saani ugu dheelmo
waxan kugu sagootiyey duciyo safar nabaaddiino
Safka nabiga Ebbuhu ku mari surinka loo raaco
********************************************************
Qabrigana siraad nuurayiyo waasac kugu seexi
Seeraha Fardowsana Alluhu daar ha kaa siiyo
Malaa'iigtu soortii Jannada sooryo kugu boobe
Salaama Alla dee Mohamedow samirku waa doore
********************************************************
Geeridu waa xaq,waana hubaal in naf walbba ay maalinteeda dha dhamin doonto
mawdka,waxaase xaqiiqo ah, biyo kama dhibcaan ah, in shaqsigii Dalkiisa iyo
dadkiisa waxtar,wanaag iyo dhaxal loo aayo uga tagaa , in taariikhda ma guurtada
ah lagu xardhi doono,magaciisuna aanu abid dhimanayn , lana xasuusan doono ,
loona duceyn doono mar walbba.
Waxaan soo jeedinayaa , in marxuum Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal , Aabihii
Jamhuuriyadda Somaliland,lagu maamuuso, lagu qadariyo , laguna sharfo ,
dhaxalkii iyo wanaaggaa faraha badan ee uu i nooga tagay, ahna ta maanta
Somaliland heerkaa ku soo gaadhay , kuna naaloonayso,kuna dabaal degayso sannad
walba.Maanta oo bishu tahay 3 May , 2020, ahna sannad guuradii 18-aad , ee
maalintii uu geeriyooday marxuum Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal, waa in loo
aqoonsado maalin Qaran , Library & Museum na loo dhiso.
Waxaan
ku soo af meerayaa qoraalkaygan kooban, Allahayaw adaa awood lehe ,waxaan kaa
baryayaa inaad marxuumka,Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal, danbi dhaaf u fidiso ,
qabriga u nuurto , iilka u waasiciso , neecaw udgooniyo , ku siiso naruuro ,
janno Fardawsana ku abaal mariso, amiin , amiin,
Aamiin .....
إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّـا إِلَيْهِ رَاجِعونَ
Eng. Mohamed Ali Muse (Farshaxan)
Senior Certified Network Specialist
| CNA | CCNA | MCP | FCNSA | A+ |
3 May,2020
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!