Astaanta Jacaylka Ee Wadnahu Asal Ahaan Halkay Ka Timi.

Friday January 31, 2020 - 07:29:09
Hadhwanaagtv
Astaanta jacaylka ee wadnaha way badan yihiin aragtiyaha
tibaaxaaya asalka iyo meesha uu kasoo jeedo, astaantan jacaylku way adagtahay in la xaqiijo maadama ay jirtay kumaan sano kahor; balse aragtida ugu macquulsan ayaa sheegaysa:


"Afroodhaay waa gabadh kamid ahayd Giriigii hore, waxayna lahayd qurux xad dhaaf ah. Tolkeeda intay ka yaabeen quruxdeeda ayay waxa ay u bixiyeen: (Illaahada jacaylka iyo quruxda)! wayna caabudi jireen, sidoo kalena Roomaankii waxay u bixiyeen (viinas) waxayna go'aansadeen maadaama ay caabudaan dadkana ay uga duwantahay qurux xad dhaaf ahna ay lee dahay inaanay dhar xidhan, oo qaawanaan ay dadka ugu dhax joogto kuguna dhex noolaato; si dadka looga aqoonsado. Gabadhan waxaa loo dhisay goob Kiniisad ah, halkaasna waxaa tagi jiray ragga iyo dumarka iyagoo ku tuman jiray waxayna u ahayd inay cibaadaysanayaan.


Markay dhimatay gabadhii ayaa la isku yimid iyagoo is waydiinaya su'aal ah: maxaynu ku xasuusanaa. Waxayna isku afgarteen in meesha jidhkeeda ugu qurux badnaa la sawiro, waxayna noqotay badhideeda dambe. Markii ay sawireenna wuxuu noqoday sawirkii qaabka aynu hadda u naqaano wadnaha, waxayna is yidhaahdeen "Waxaynu caabudayno laga fiican inaan nidhaahno dabo dumar ee aan ku qeexno (Wadne) maadama jacaylka uu dago wadnaha"


Aragti kale ayaa sheegaysa in laga waday naaso hablood. Aragti kalena waxay odhonaysaa waa dawo dumarka laga mamnuuci jiray. Aragti kalena waxay sheegaysaa in laga wado dhir ay ku hoos duugan tahay sixir oo waa astaan sixir. Dhammaan aragtiyahan way iskusoo ag dhawyihiin.


Xaalka Berbera! wadnahaas aynaan ogayn asal ahaan iyo waxa ay gaaladu uga jeedo waxa uu yahay. Waxaabaynu dusha kasii saarnay magacii Eebbe ee sharafta iyo cisiga lahaa!!. Subxaanalaah. Talo ahaan waxaan soo jeedin lahaa hadii aan la baabi'in karayn Wadnahaas in laga dul qaado magaca Eebbe ee naxariista leh.


FG: Qoraalkan yar waxaan ka sameeyey Video arinkan ka hadlaaya waxaanna uu ku jiraa Channel-ka "Sahanka Xogaha" waad booqan kartaa intan in ka faahfaahsana waad ka heli kartaan.

Wabilaahi tawfiiq.

Dowlad Yuusuf Maxammad
Email: [email protected] 
Tell: 63 4417917- 4444096
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...